Abiy oo qaaday talllaabo culus kadib guushii militari ee Tigray
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiAbiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay dhismaha maamul ku-meel-gaar ah oo cusub oo loo magacaabay gobolka Tigray, kaas oo loo xil saaray xasilinta gobolka iyo diyaarinta doorashooyin lagu qabto muddo lix bilood gudahood ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aankan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaad taageersan ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalladii dib uga qarxay Tigray, iyagoo la wareegay qeybo badan oo gobolka ka mid ah, oo ay ku jirto magaalada Mekelle oo ah caasimadda Tigray.
- Dagaalladan ayaa dib u qarxay bishii September, markii Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ay hoggaamisay weerarro ka dhan ah dowladda Abiy Ahmed, taas oo dib u soo nooleysay colaaddii dhiigga badani ku daatay ee gobolka ka dhacday intii u dhexeysay 2020 iyo 2022.
- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in maamulka cusub uu shaqeyn doono muddo lix bilood ah, isla markaana waajibaadkiisa ugu weyn uu noqon doono abuurista jawi siyaasadeed oo xasilloon, kaas oo suuragelin kara qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah.
- Abiy Ahmed ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in dadka Tigray ay tahay inay ka gudbaan colaadaha soo noqnoqday, si ay u helaan nabad, xuquuqdooda ismaamul iyo fursado horumarineed.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee maamulka cusub qaadi doono si loo xasiliyo Tigray?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay dhismaha maamul ku-meel-gaar ah oo cusub oo loo magacaabay gobolka Tigray.
- Maamulka cusub ayaa loo xil saaray xasilinta gobolka iyo diyaarinta doorashooyin lagu qabto muddo lix bilood gudahood ah.
- Colaadda hore ayaa sababay dhimashada boqollaal kun oo qof.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay dhismaha maamul ku-meel-gaar ah oo cusub oo loo magacaabay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas, kaas oo loo xil saaray xasilinta gobolka iyo diyaarinta doorashooyin lagu qabto muddo lix bilood gudahood ah.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaad taageersan ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalladii dib uga qarxay Tigray, iyagoo la wareegay qeybo badan oo gobolka ka mid ah, oo ay ku jirto magaalada Mekelle oo ah caasimadda Tigray.
Dagaalladan ayaa dib u qarxay bishii September, markii Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ay hoggaamisay weerarro ka dhan ah dowladda Abiy Ahmed, taas oo dib u soo nooleysay colaaddii dhiigga badani ku daatay ee gobolka ka dhacday intii u dhexeysay 2020 iyo 2022.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in maamulka cusub uu shaqeyn doono muddo lix bilood ah, isla markaana waajibaadkiisa ugu weyn uu noqon doono abuurista jawi siyaasadeed oo xasilloon, kaas oo suuragelin kara qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Abiy Ahmed ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in dadka Tigray ay tahay inay ka gudbaan colaadaha soo noqnoqday, si ay u helaan nabad, xuquuqdooda ismaamul iyo fursado horumarineed.
“Si ay u helaan nabaddii muddada dheer ka maqneyd, u xaqiijiyaan xuquuqdooda ismaamul, ugana faa’iideystaan miraha horumarka ee sannado badan aysan helin, dadka Tigray waa inay ka baxaan meertadan colaadeed,” ayuu yiri Abiy Ahmed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in maamulka cusub uu sidoo kale dib u dhisi doono kaabeyaashii dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee dagaalladu burburiyeen, isla markaana uu gacan ka geysan doono dib u celinta dadka ku barakacay colaadaha.
Dhanka kale, TPLF oo muddo tobannaan sano ah awood weyn ku lahayd siyaasadda Itoobiya, ka hor inta uusan Abiy Ahmed xilka qaban sanadkii 2018, ayaan weli ka hadlin magacaabista maamulka cusub. Afhayeen u hadlay kooxda ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi warbaahintu u dirtay oo ku saabsanaa arrintan.
Gobolka Tigray ayaa weli la daalaa dhacaya saameyntii dagaalkii hore, kaas oo sababay dhimashada boqollaal kun oo qof, halka dad badan ay wajahaan gaajo, barakac iyo burbur baahsan oo soo gaaray adeegyada aasaasiga ah.
Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, ku dhowaad 750,000 oo qof oo reer Tigray ah ayaa weli ku barakacsanaa gudaha dalka bishii February, iyadoo gobolka uu sidoo kale wajahayo abaaro lala xiriirinayo ifafaalaha cimilada ee El Niño.
Colaadda cusub ayaa sidoo kale sii xumeysay xiriirka Itoobiya iyo Eritrea, oo mar kale gaaray heer aad u hooseeya. Dowladda Addis Ababa ayaa ku eedeysay Eritrea inay taageerto xoogagga fallaagada ah, hase yeeshee dowladda Asmara ayaa beenisay eedeymahaas.
Sidoo kale, Itoobiya ayaa Masar iyo Suudaan ku eedeysay inay taageero siinayaan isbaheysiga hubeysan ee la dagaallamaya dowladda federaalka, balse labada dal ayaa iyaguna iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay.
Xiisadahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalka Tigray uu ku fido dalalka deriska ah, xilli Geeska Afrika uu wajahayo loollan siyaasadeed iyo mid amni oo sii xoogeysanaya, ayna quwadaha gobolka ku kala aragti duwan yihiin arrimo dhowr ah.
Magacaabista maamulka cusub ayaa sidaas darteed imaaneysa xilli dowladda Abiy Ahmed ay isku dayeyso inay dib u soo celiso xasilloonida Tigray, inkastoo ay weli jiraan walaacyo ku saabsan mustaqbalka heshiiskii nabadeed ee sanadkii 2022 lagu soo afjaray dagaalkii hore iyo suurta-galnimada in colaado hor leh ay dib uga qarxaan gobolka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay dhismaha maamul ku-meel-gaar ah oo cusub oo loo magacaabay gobolka Tigray, kaas oo loo xil saaray xasilinta gobolka iyo diyaarinta doorashooyin lagu qabto muddo lix bilood gudahood ah.
Qodobada muhiimka ah
- Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay dhismaha maamul ku-meel-gaar ah oo cusub oo loo magacaabay gobolka Tigray.
- Maamulka cusub ayaa loo xil saaray xasilinta gobolka iyo diyaarinta doorashooyin lagu qabto muddo lix bilood gudahood ah.
- Colaadda hore ayaa sababay dhimashada boqollaal kun oo qof.
- Ku dhowaad 750,000 oo qof oo reer Tigray ah ayaa weli ku barakacsanaa gudaha dalka bishii February.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) oo ku saabsan maamulka cusub.
- Eedeymaha ku saabsan khasaare iyo tirada dadka barakacay ayaa la weriyay laakiin aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada Abiy Ahmed iyo dowladda Itoobiya iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Dhismaha maamulka cusub ee Tigray wuxuu muujinayaa dadaallada socda ee lagu xalinayo xasilooni darrada gobolka kadib guulaha milatari ee dhawaan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee maamulka cusub qaadi doono si loo xasiliyo Tigray?
- Sidee loo qaban doonaa doorashooyinka, yaase la socon doona?
- Maxay tahay xaaladda heshiiska nabadeed ee la dhisay sanadkii 2022?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · tigray · abiy · talllaabo
Sii akhri
- Mareykanka oo Itoobiya Iyo Eritrea Ugu Baaqay Inay Xiisadda Ku Xalliyaan Diblomaasiyad
Goobjoog Somali
- Itoobiya oo Ballaarinaysa Awoodda Ciidankeeda Badda, Xilli ay Doonayso inay Saameyn ku Yeelato Badda-Cas
Goobjoog Somali
- Khilaafka Doorashada Soomaaliya oo Sii Kordhaya iyo Mucaaradka oo Dowladda ku Eedeeyey Carqaladaynta Wada-hadal
Goobjoog Somali