Beesha Xawaadle oo diiday doorashada laga qabanayo HirShabelle, kuna dhawaaqday…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiBeesha Xawaadle ayaa diiday doorashada soo socota ee HirShabelle, iyagoo ku adkeysanaya inaysan doorasho dhici karin haddii aan heshiis siyaasadeed laga gaarin dhammaan dhinacyada ku lugta leh.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinBanaanbax nabadeed ayaa la qorsheynayaa in la qabto 24-ka September oo looga soo horjeedo doorashada aan heshiiska lagu ahayn.
- Natiijada kulamadaas waxaa warbaahinta uga hadlay Xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble, kaas oo sheegay in wadatashiyada laga soo saaray qodobo ay beesha Xawaadle ku mideysan tahay, kuwaas oo si gaar ah ula xiriira doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.
- Mowqifka ugu weyn ee kasoo baxay shirarka ayaa ah diidmada doorasho aan heshiis siyaasadeed laga gaarin.
- “Waxay beesha mar kale ku celinaysaa inaysan wax doorasho ah oo qasab ah oo aan heshiis lagu ahayn, ka dhici karin gobolka Hiiraan, magaalooyinkiisa, degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa,” ayuu yiri Xiirey Axmed Rooble.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiiska siyaasadeed ee gaarka ah ee Beesha Xawaadle ay raadinayso?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Beesha Xawaadle ayaa diiday doorashada soo socota ee HirShabelle, iyagoo sheegay inaysan aqbalayn doorasho aan heshiis siyaasadeed laga gaarin.
- Banaanbax nabadeed ayaa la qorsheynayaa in la qabto 24-ka September oo looga soo horjeedo doorashada aan heshiiska lagu ahayn.
- Beesha Xawaadle waxay adkeysay inaysan doorasho ka dhici doonin Hiiraan haddii aan heshiis laga gaarin dhammaan dhinacyada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Beledweyne (Caasimada Online) – Beesha Xawaadle ayaa sheegtay inaysan aqbalayn doorasho aan laga gaarin heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyadu ku mideysan yihiin, kaddib wadatashiyo dhowr maalmood magaalada Beledweyne uga socday siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan beesha.
Natiijada kulamadaas waxaa warbaahinta uga hadlay Xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble, kaas oo sheegay in wadatashiyada laga soo saaray qodobo ay beesha Xawaadle ku mideysan tahay, kuwaas oo si gaar ah ula xiriira doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.
Mowqifka ugu weyn ee kasoo baxay shirarka ayaa ah diidmada doorasho aan heshiis siyaasadeed laga gaarin. Xiirey ayaa sheegay inaysan beesha oggolaan doonin doorasho lagu qabto gobolka iyadoo aysan jirin heshiis ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
“Waxay beesha mar kale ku celinaysaa inaysan wax doorasho ah oo qasab ah oo aan heshiis lagu ahayn, ka dhici karin gobolka Hiiraan, magaalooyinkiisa, degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa,” ayuu yiri Xiirey Axmed Rooble.
Wuxuu xusay in mowqifkan uu yahay mid kasoo baxay wadatashiyadii ay yeesheen siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha, kaasi oo sidoo kale lagu gaaray in 24-ka September la qabto banaanbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo doorashada la qorsheynayo in laga qabto maamulka HirShabelle.
“Qodobka labaad ee kasoo baxay wadatashiyada waa in September loo asteeyo maalin bannaanbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo doorashada aan heshiiska lagu ahayn,” ayuu yiri Xiirey oo ugu baaqay shacabka ku nool gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka inay is abaabulaan oo ay si nabad ah isugu soo baxaan si ay u muujiyaan mowqifkooda.
Bannaanbaxyada ayuu sheegay inay shacabka ku muujin doonaan inaysan raalli ka ahayn doorasho uu ku tilmaamay “khasab iyo heshiis la’aan.” Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay in la sii wado wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.
Xiirey ayaa sheegay in marka wadatashiyada la soo gaba-gabeeyo ay kasoo bixi doonaan go’aamo uu ku tilmaamay kuwo masiiri ah, kuwaas oo horseedi kara in dadka reer Hiiraan iyo bulshada HirShabelle ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha maamul loo dhan yahay oo ay dhammaan dhinacyadu ku qanacsan yihiin.
Isagoo ka hadlayay xaaladda ka dhalan karta haddii la qabto doorasho uu ku tilmaamay khasab, Xiirey wuxuu sheegay in haddii doorashadaasi ay keento shaqaaqo ama waxyeello loo geysto shacabka ay mas’uuliyadda wixii ka dhasha qaadi doonaan dhinacyada uu ku eedeeyay inay mas’uul ka yihiin geeddi-socodka doorashada, oo ah hoggaanka Dowladda Federaalka.
Ugu dambeyntiina, wuxuu u mahadceliyay shacabka ku nool Jalalaqsi, Matabaan iyo Jawiil oo uu sheegay inay hore u muujiyeen diidmada doorasho uu ku tilmaamay mid hal dhinac ah, ayna qabteen bannaanbaxyo looga soo horjeedo.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Beesha Xawaadle ayaa diiday doorashada soo socota ee HirShabelle, iyagoo ku adkeysanaya inaysan doorasho dhici karin haddii aan heshiis siyaasadeed laga gaarin dhammaan dhinacyada ku lugta leh.
Qodobada muhiimka ah
- Beesha Xawaadle ayaa diiday doorashada soo socota ee HirShabelle, iyagoo sheegay inaysan aqbalayn doorasho aan heshiis siyaasadeed laga gaarin.
- Banaanbax nabadeed ayaa la qorsheynayaa in la qabto 24-ka September oo looga soo horjeedo doorashada aan heshiiska lagu ahayn.
- Beesha Xawaadle waxay adkeysay inaysan doorasho ka dhici doonin Hiiraan haddii aan heshiis laga gaarin dhammaan dhinacyada.
- Beesha ayaa qorsheyneysa inay sii wado wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha kooxaha siyaasadeed kale ama mas'uuliyiinta ku saabsan mowqifka Beesha Xawaadle.
- Eedeymaha ayaa si weyn ugu tiirsan hadallada Xiirey Axmed Rooble, mas'uul hore, iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah lagama bixin heshiiska siyaasadeed ee Beesha Xawaadle ay raadinayso.
Gunaanadka akhristaha
Diidmada Beesha Xawaadle ee doorashada ayaa muujinaysa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee gobolka HirShabelle.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiiska siyaasadeed ee gaarka ah ee Beesha Xawaadle ay raadinayso?
- Sidee loo abaabuli doonaa bannaanbaxyada la qorsheynayo 24-ka September?
- Waa maxay cawaaqibka suurtagalka ah haddii doorashadu ay socoto iyada oo aan raalli laga ahayn Beesha Xawaadle?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · beesha · xawaadle · laga
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada