Dagaallo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Tigray oo ka dhacay gobolka Canfarta
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDagaallo ayaa ka dhacay ciidamada dowladda Itoobiya iyo dagaalyahanno Tigray ah gobolka Afar.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AFP , laba ilo oo ka tirsan dhinacyada gargaarka bani’aadannimada ayaa xaqiijiyay in dagaallo ay ka dhaceen deegaanno ku dhow xuduudda u dhexeysa gobollada Tigray iyo Canfarta.
- Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in xaaladda amni ee deegaanka ay aad u kacsan tahay, iyadoo weli ay socoto isku-dayga lagu xaqiijinayo baaxadda iyo khasaaraha ka dhashay dagaallada.
- Iskahorimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa milatari ee ka dhex jira dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray.
- Xiisadda ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay isu-socodka iyo duullimaadyada gobolka, kaddib markii Ethiopian Airlines ay hakisay duullimaadyadii ku wajahnaa magaalooyinka Mekelle, Axum iyo Shire, iyadoo shirkaddu sheegtay inay tallaabadaas u qaadday sababo la xiriira xaaladda ka jirta gobolka Tigray.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tirada khasaare ee la xaqiijiyay dagaallada cusub?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xaaladda gobolka ayaa la sheegay inay kacsan tahay, iyadoo weli la isku dayayo in la xaqiijiyo baaxadda iyo khasaaraha dagaallada.
- Dagaalyahanno Tigray ah ayaa la sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee Mekelle.
- Ethiopian Airlines ayaa hakisay duullimaadyadii ku wajahnaa magaalooyinka Mekelle, Axum iyo Shire.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in iska horimaadyo hubeysan ay ka dhaceen gobolka Canfarta (Afar), halkaas oo ay isku dhaceen ciidamada dowladda Itoobiya iyo dagaalyahanno lala xiriirinayo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AFP , laba ilo oo ka tirsan dhinacyada gargaarka bani’aadannimada ayaa xaqiijiyay in dagaallo ay ka dhaceen deegaanno ku dhow xuduudda u dhexeysa gobollada Tigray iyo Canfarta.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in xaaladda amni ee deegaanka ay aad u kacsan tahay, iyadoo weli ay socoto isku-dayga lagu xaqiijinayo baaxadda iyo khasaaraha ka dhashay dagaallada.
Iskahorimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa milatari ee ka dhex jira dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray.
Xiisadda ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay isu-socodka iyo duullimaadyada gobolka, kaddib markii Ethiopian Airlines ay hakisay duullimaadyadii ku wajahnaa magaalooyinka Mekelle, Axum iyo Shire, iyadoo shirkaddu sheegtay inay tallaabadaas u qaadday sababo la xiriira xaaladda ka jirta gobolka Tigray.
Dhinaca kale, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalyahanno Tigray ah ay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee Mekelle, inkastoo xaaladda dhulka iyo cidda si buuxda gacanta ugu haysa goobaha qaar ay weli tahay mid si degdeg ah isu beddeleysa.
Iskahorimaadyada cusub ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in Itoobiya ay dib ugu laabato dagaal ballaaran oo ka dhaca waqooyiga dalka.
Tigray ayaa horey u martay dagaal culus oo socday intii u dhaxaysay 2020 iyo 2022, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac ballaaran, waxaana dagaalkaas lagu soo afjaray heshiis nabadeed oo la gaaray November 2022.
Ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaallada cusub ee gobolka Canfarta, iyadoo sidoo kale aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin baaxadda dagaallada iyo haddii ay gaareen deegaanno kale.
Xaaladda gobolka ayaa weli ah mid kacsan, waxaana indhaha lagu hayaa tallaabooyinka ay qaadi doonaan dowladda Itoobiya iyo hoggaanka Tigray, iyadoo wararka cusub ee kasoo baxaya goobaha dagaalladu ka socdaan ay weli soo baxayaan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaallo ayaa ka dhacay ciidamada dowladda Itoobiya iyo dagaalyahanno Tigray ah gobolka Afar. Xaaladda ayaa la sheegay inay kacsan tahay, iyadoo weli la isku dayayo in la xaqiijiyo baaxadda iyo khasaaraha dagaallada.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaallo ayaa ka dhacay ciidamada dowladda Itoobiya iyo dagaalyahanno Tigray ah gobolka Afar.
- Xaaladda gobolka ayaa la sheegay inay kacsan tahay, iyadoo weli la isku dayayo in la xaqiijiyo baaxadda iyo khasaaraha dagaallada.
- Dagaalyahanno Tigray ah ayaa la sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee Mekelle.
- Ethiopian Airlines ayaa hakisay duullimaadyadii ku wajahnaa magaalooyinka Mekelle, Axum iyo Shire.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada khasaare ama baaxadda dagaallada.
- Lama hayo jawaab ka timid mas'uuliyiinta dowladda Itoobiya ama hoggaanka Tigray.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warar ka yimid ilo aan la magacaabin oo gargaarka bani'aadannimada.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda gobolka Afar ayaa sii kacsanaysa, iyadoo saameyn weyn ku yeelanaysa amniga iyo xaaladaha bani'aadannimada.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tirada khasaare ee la xaqiijiyay dagaallada cusub?
- Sidee ayey dowladda Itoobiya uga jawaabi doontaa xiisadaha sii kordhaya?
- Maxay noqon doontaa saameynta hakinta duullimaadyada ee xaaladda bani'aadannimada gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidamada · canfarta · itoobiya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada