Dowlada oo beenisay war kasoo baxay Qaramada Midoobay ee xiisada ka dhacay Muqdisho
Muqdisho – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku faahfaisay khasaaraha ka dhashay dhacdooyinkii amni ee ka dhacay magaalada Muqdisho 3-dii iyo 4-tii Juun 2026. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xogta laga ururiyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee caasimadda ay muujineyso in 55 qof ay ku [R

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 55 qof ay ku dhaawacmeen hal qofna uu ku dhintay dhacdooyinka amniga ee ka dhacay Muqdisho 3-dii iyo 4-tii Juun 2026.
Maxaa la shaaciyey
- Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhacdooyinka amni.
- Xogta laga ururiyay isbitaallada Muqdisho ayaa muujineysa in 55 qof ay dhaawacmeen.
- Wasaaradda ayaa ku baaqday in warbaahinta ay taxaddar muujiso marka ay faafinayso xogaha la xiriira dhimashada iyo dhaawacyada.
Macnaha guud
War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jireen warar kala duwan oo laga baahinayay khasaaraha ka dhashay xiisadihii iyo howlgaladii amni ee dhowaan ka dhacay Muqdisho.
“Wasaaraddu waxay sheegtay in xogtan ay ku saleysan tahay diiwaannada rasmiga ah ee laga helay xarumaha caafimaadka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaqiiqooyinka ku saabsan amniga iyo xaaladaha caafimaad ee ka jira Muqdisho.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku faahfaisay khasaaraha ka dhashay dhacdooyinkii amni ee ka dhacay magaalada Muqdisho 3-dii iyo 4-tii Juun 2026.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xogta laga ururiyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee caasimadda ay muujineyso in 55 qof ay ku dhaawacmeen halka hal qof uu ku dhintay dhacdooyinka la xiriira howlgalada amniga iyo la dagaallanka hubka sharci-darrada ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xogtan ay ku saleysan tahay diiwaannada rasmiga ah ee laga helay xarumaha caafimaadka ee dadka waxyeelladu kasoo gaartay dhacdooyinkaasi loo geeyay.
Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday warbaahinta, hay’adaha iyo daneeyayaasha kale inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan marka ay faafinayaan xogaha la xiriira dhimashada, dhaawacyada iyo xaaladaha degdegga ah, si looga fogaado warar aan la xaqiijin oo bulshada marin habaabin kara.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.