Erdogan oo baarlamaanka Turkiga u gudbinaya heshiiska Maka xilli Sacuudiga uu…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay qorshayaal uu ku soo bandhigayo heshiis iskaashi difaac oo ay la galeen Sacuudiga iyo Pakistan baarlamaanka Turkiga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaaraySidoo kale waxay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo waajibaadka difaaca wadajirka ah, lana diyaariyo ciidamadii iyo awoodihii milatari ee lagu heshiiyay, si loogu daabulo Sacuudiga muddo kooban gudaheed.
- Erdogan ayaa sheegay in heshiiskani uu ka mid yahay heshiisyada muhiimka u ah dalkiisa, sidaas darteedna uu doonayo in baarlamaanku sida ugu dhaqsaha badan uga doodo, uguna codeeyo si loo helo oggolaanshaha lagama maarmaanka u ah hirgelintiisa.
- Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale caddeeyay in dalkiisu garab taagan yahay Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo cambaareeyay tallaabo kasta oo ka dhan ah dalkaas, gaar ahaan weerarrada uu ku tilmaamay kuwo ka hor imanaya mabaadi’da bani’aadannimada.
- Heshiiska difaaca ee ay wada galeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ayaa la sheegay inuu xoojinayo iskaashiga milatari ee saddexda dal, isla markaana uu saldhig u noqonayo taageerada ay isu fidiyaan marka midkood uu wajaho xaalad amni oo culus.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin taageerada milatari ee gaarka ah ee lagu bixin doono heshiiska Makka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa dhawaan baarlamaanka dalkiisa horgeyn doona heshiiska iskaashiga difaaca ee Turkiga la galay Sacuudiga iyo Pakistan, kaas oo lagu magacaabo heshiiska Makka.
- Erdogan ayaa sheegay in heshiiskani uu ka mid yahay heshiisyada muhiimka u ah dalkiisa, sidaas darteedna uu doonayo in baarlamaanku sida ugu dhaqsaha badan uga doodo, uguna codeeyo si loo helo oggolaanshaha lagama maarmaanka u ah hirgelinti
- Saddexda dal ayaa si wadajir ah u cambaareeyay weerarradii dhowaan lagu qaaday Sacuudiga, gaar ahaan kuwa lagu beegsaday magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu dhawaan baarlamaanka dalkiisa horgeyn doono heshiiska iskaashiga difaaca ee Turkiga la galay Sacuudiga iyo Pakistan, kaas oo lagu magacaabo heshiiska Makka.
Erdogan ayaa sheegay in heshiiskani uu ka mid yahay heshiisyada muhiimka u ah dalkiisa, sidaas darteedna uu doonayo in baarlamaanku sida ugu dhaqsaha badan uga doodo, uguna codeeyo si loo helo oggolaanshaha lagama maarmaanka u ah hirgelintiisa.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale caddeeyay in dalkiisu garab taagan yahay Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo cambaareeyay tallaabo kasta oo ka dhan ah dalkaas, gaar ahaan weerarrada uu ku tilmaamay kuwo ka hor imanaya mabaadi’da bani’aadannimada.
Heshiiska difaaca ee ay wada galeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ayaa la sheegay inuu xoojinayo iskaashiga milatari ee saddexda dal, isla markaana uu saldhig u noqonayo taageerada ay isu fidiyaan marka midkood uu wajaho xaalad amni oo culus.
Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada ay saddexdan dal ku doonayaan inay ku xoojiyaan xiriirkooda istaraatiijiyadeed iyo iskaashiga dhinaca difaaca, xilli ay gobolka ka jiraan xiisado amni iyo isbeddello siyaasadeed.
Dhinaca kale, heshiisyada qaarkood ee ay dowladda Turkigu gasho ayaa loo gudbiyaa baarlamaanka si loo helo oggolaanshaha sharciyeed ee looga baahan yahay dhaqan-gelintooda. Tallaabada Erdogan ayaa sidaas darteed muujinaysa inuu doonayo in heshiiska loo maro habraaca baarlamaanka.
Tan ayaa imanaysa xilli Turkiga iyo Pakistan ay xaqiijiyeen inay ciidamo si degdeg ah ugu daabulayaan Sacuudi Carabiya, taas oo qeyb ka ah hirgelinta heshiis cusub oo difaac wadajir ah oo ay saddexda dal ku mideysan yihiin, xilli dagaalka Yemen uu mar kale galay marxalad cusub.
Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan degdeg ah oo magaalada Riyadh ay ku yeesheen wakiillo ka kala socday Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan.
Saddexda dal ayaa si wadajir ah u cambaareeyay weerarradii dhowaan lagu qaaday Sacuudiga, gaar ahaan kuwa lagu beegsaday magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina, inkasta oo bayaankooda aysan si toos ah ugu magacaabin Xuutiyiinta Yemen.
Waxay xaqiijiyeen “diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee weerar ama hanjabaad kasta oo lagu beegsado ammaanka iyo midnimada dhuleed ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya”.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo waajibaadka difaaca wadajirka ah, lana diyaariyo ciidamadii iyo awoodihii milatari ee lagu heshiiyay, si loogu daabulo Sacuudiga muddo kooban gudaheed.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiiska loo yaqaan Mecca Pact, kaas oo Riyadh u adeegsanayo inuu xoojiyo iskaashiga dhinaca ammaanka iyo difaaca ee uu la leeyahay Ankara iyo Islamabad.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay qorshayaal uu ku soo bandhigayo heshiis iskaashi difaac oo ay la galeen Sacuudiga iyo Pakistan baarlamaanka Turkiga. Heshiiskan, oo lagu magacaabo heshiiska Makka, ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga milatari ee saddexda dal.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa dhawaan baarlamaanka dalkiisa horgeyn doona heshiiska iskaashiga difaaca ee Turkiga la galay Sacuudiga iyo Pakistan, kaas oo lagu magacaabo heshiiska Makka.
- Erdogan ayaa sheegay in heshiiskani uu ka mid yahay heshiisyada muhiimka u ah dalkiisa, sidaas darteedna uu doonayo in baarlamaanku sida ugu dhaqsaha badan uga doodo, uguna codeeyo si loo helo oggolaanshaha lagama maarmaanka u ah hirgelinti
- Saddexda dal ayaa si wadajir ah u cambaareeyay weerarradii dhowaan lagu qaaday Sacuudiga, gaar ahaan kuwa lagu beegsaday magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina.
- Heshiiska difaaca ee ay wada galeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ayaa la sheegay inuu xoojinayo iskaashiga milatari ee saddexda dal, isla markaana uu saldhig u noqonayo taageerada ay isu fidiyaan marka midkood uu wajaho xaalad amni oo cu
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Sacuudiga ama Pakistan ee ku saabsan heshiiskan.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha uu sheegay Erdogan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan waqtiga gaarka ah ee habka oggolaanshaha baarlamaanka.
Gunaanadka akhristaha
Dadaalka Erdogan ee ku aaddan oggolaanshaha baarlamaanka ee heshiiska Makka ayaa muujinaya iskaashiga istaraatiijiga ah ee milatari ee Turkiga xilli ay jiraan xiisado amni.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin taageerada milatari ee gaarka ah ee lagu bixin doono heshiiska Makka?
- Sidee ayuu heshiisku u saameyn doonaa xaaladaha amni ee gobolka?
- Maxay yihiin cawaaqibka heshiiska ee xiriirka Turkiga iyo dalalka kale ee gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · baarlamaanka · sacuudiga · turkiga
Sii akhri
- Dagaalka Tigray: Imaaraadka iyo Sacuudiga oo Indhaha lagu Hayo Kaalintooda Xiisadda Itoobiya
Goobjoog Somali
- Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka Wada hadlay Xoojinta Xariirka Ganacsi iyo Iskaashiga Labada Dal
Goobjoog Somali
- Xuutiyiinta Yemen oo Maalintii Saddexaad Weerarro Gantaallo ah ku Beegsaday Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh
Goobjoog Somali