Erdogan oo shaaciyey in si rasmi ah Soomaaliya looga billaabay dhismaha xarunta…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDhismaha xarun lagu rido gantaallada hawada sare oo Turkiga ka dhisayo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilaabmay, sida uu sheegay Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinQorshe caalami ah Turkigu wuxuu sidoo kale qorsheynayaa in xarunta Soomaaliya aysan ku koobnaan oo keliya barnaamijkiisa hawada sare, balse mustaqbalka loo furo dalal iyo shirkado caalami ah.
- Erdoğan, oo ka hadlay furitaanka shirweynaha 77-aad ee Caalamiga ah ee Hawada Sare oo ka dhacay magaalada Antalya, ayaa sheegay in awoodda lagu sameeyo dayax-gacmeedyada oo keliya aysan maanta ku filneyn waddan doonaya inuu door weyn ku yeesho hawada sare.
- “Dunida maanta, sameynta dayax-gacmeedyo keliya kuma filna inaad joogitaan ku yeelato hawada sare; waa inaad sidoo kale awood u leedahay inaad hawada sare gaarto,” ayuu yiri Erdoğan.
- Sababtaas awgeed, ayuu sheegay, Turkigu muhiimad gaar ah ayuu siiyey sidii uu u heli lahaa xarun uu si madax-bannaan uga diri karo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tignoolajiyada gaarka ah ee lagu horumarin doono xarunta rida gantaallada?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dhismaha xarun lagu rido gantaallada hawada sare oo Turkiga ka dhisayo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilaabmay.
- Dowladda Turkiga waxay mashruucan u aragtaa mid muhiim u ah awooddeeda madax-bannaan ee hawada sare.
- Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa xaqiijisay in xarunta laga dhisayo agagaarka degmada Warsheekh.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in si rasmi ah loo bilaabay dhismaha xarun lagu rido gantaallada hawada sare oo Turkigu ka dhisayo Soomaaliya, mashruuc ay Ankara u aragto mid muhiim u ah qorshaheeda ah inay yeelato awood madax-bannaan oo ay ku gaarto hawada sare.
Erdoğan, oo ka hadlay furitaanka shirweynaha 77-aad ee Caalamiga ah ee Hawada Sare oo ka dhacay magaalada Antalya, ayaa sheegay in awoodda lagu sameeyo dayax-gacmeedyada oo keliya aysan maanta ku filneyn waddan doonaya inuu door weyn ku yeesho hawada sare.
“Dunida maanta, sameynta dayax-gacmeedyo keliya kuma filna inaad joogitaan ku yeelato hawada sare; waa inaad sidoo kale awood u leedahay inaad hawada sare gaarto,” ayuu yiri Erdoğan.
Sababtaas awgeed, ayuu sheegay, Turkigu muhiimad gaar ah ayuu siiyey sidii uu u heli lahaa xarun uu si madax-bannaan uga diri karo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada.
Erdoğan ayaa sheegay in xaaladda juqraafiyeed ee Turkiga ay Ankara ku qasabtay inay raadiso goob ka baxsan dalka, taas oo ugu dambeyn keentay iskaashiga Soomaaliya.
“Waxaan bilownay shaqada dhismaha xarunta hawada sare ee aan ka sameyneyno Soomaaliya,” ayuu yiri. “Waxaan si go’aan leh u sii wadeynaa dadaallada lagu hirgelinayo mashruucan istaraatiijiga ah.”
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in xaruntan aysan kaliya xoojin doonin awoodda Turkiga ee hawada sare, balse ay sidoo kale gacan ka geysan karto horumarinta qeybta hawada sare ee qaaradda Afrika.
Mashruuca Warsheekh
Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa iyaduna xaqiijisay in xarunta laga dhisayo agagaarka degmada Warsheekh ay hadda ku jirto marxaladda dhismaha.
Wafdi Turki ah oo uu hoggaaminayey safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ferhat Alkan, ayna weheliyeen taliyaha ciidamada Turkiga ee Soomaaliya, Major General Sebahattin Kalkan, ayaa dhowaan booqday goobta mashruuca.
Wafdiga ayaa warbixin ku saabsan halka uu mashruucu marayo ka dhageystay Ahmet Sami İşler, oo ah maamulaha Albayrak Group ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha Golaha Ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ee DEİK.
“Kadib mashruucan, Soomaaliya waxay noqon doontaa mid ka mid ah xarumaha dunida ugu muhiimsan ee daraasaadka hawada sare,” ayay safaaraddu sheegtay.
Goobta mashruuca ayaa ku dhow Warsheekh, oo ah magaalo xeebeed qiyaastii 70 kiiloomitir waqooyi kaga beegan Muqdisho. Sawirro dayax-gacmeed oo horay loo qaaday ayaa muujiyey howlo dhisme oo ka socda deegaankaas.
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee Turkigu Soomaaliya ugu doortay mashruuca ayaa ah halka ay dalka kaga taallo dhul-baraha.
Gantaallada laga diro meelaha ku dhow dhul-baraha ayaa ka faa’iideysan kara xawaaraha wareegga dhulka, taas oo yareyn karta shidaalka loo baahan yahay ama suuragelin karta in culays badan hawada sare loo qaado.
Sidoo kale xeebta dheer ee Soomaaliya ee Badweynta Hindiya ayaa gantaallada siin karta waddooyin ay dul maraan bad furan, taas oo yareyneysa khatarta ka dhalan karta qeybaha gantaalka ee dib ugu soo dhacaya dhulka.
Qorshe caalami ah
Turkigu wuxuu sidoo kale qorsheynayaa in xarunta Soomaaliya aysan ku koobnaan oo keliya barnaamijkiisa hawada sare, balse mustaqbalka loo furo dalal iyo shirkado caalami ah.
Arif Karabeyoğlu, oo xubin ka ah guddiga Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga, ayaa sheegay in Ankara ay doonayso inay xarunta ka dhigto goob ay isticmaali karaan shirkadaha iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya hawada sare.
“Türkiye waxay dooneysaa inay goobtan u isticmaasho gaadiidkeeda hawada sare, laakiin isla waqtigaas waxay dooneysaa inay u furto isticmaalka caalamiga ah,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in mustaqbalka xaruntu ay ka gudbi karto meel gantaallo laga diro oo keliya, ayna isu beddeli karto xarun ballaaran oo adeegyo kala duwan oo hawada sare ah laga bixiyo.
Karabeyoğlu ayaa Soomaaliya ku tilmaamay goob leh faa’iidooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin u dhowaanshaha dhul-baraha, xaaladaha cimilo ee ku habboon iyo badbaadada dariiqyada gantaallada.
Wasiirka Warshadaha iyo Teknolojiyadda Turkiga Mehmet Fatih Kacır ayaa bishii December sheegay in daraasadaha suurtagalnimada iyo naqshadeynta mashruuca la soo gabagabeeyey, isla markaana la bilaabay wejigii koowaad ee dhismaha.
Kacır ayaa sheegay in daraasadaha la sameeyey ay Soomaaliya ku tilmaameen goobta ugu habboon mashruucan sababo la xiriira meelaha ay kaga taallo dhul-baraha, xeebteeda, cimilada iyo heerka hoose ee isku socodka diyaaradaha iyo maraakiibta ee qeybo ka mid ah aagga.
Waxa uu sidoo kale sheegay in xaruntu awood u yeelan karto inay u adeegto suuqa ganacsiga hawada sare ee caalamka, oo ay ku jiraan dirista dayax-gacmeedyada, tijaabooyinka farsamada iyo isku-dubaridka qalabka hawada sare.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa rajeynaya in mashruucu mustaqbalka dhaqaale u soo saaro Turkiga, isla markaana uu fursado horumarineed iyo kuwo dhaqaale u abuuro Soomaaliya.
Mashruuca Warsheekh ayaa sidoo kale Turkiga ka caawin kara inuu buuxiyo mid ka mid ah meelaha weli ka bannaan barnaamijkiisa hawada sare — awoodda uu si madax-bannaan gantaallo ugu diro hawada sare.
Dayax-gacmeedka isgaarsiinta Türksat 6A, oo gudaha Turkiga lagu sameeyey, ayaa tusaale ahaan sannadkii 2024 hawada sare looga diray gobolka Florida ee Mareykanka, isagoo saarnaa gantaalka Falcon 9 ee shirkadda SpaceX.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dhismaha xarun lagu rido gantaallada hawada sare oo Turkiga ka dhisayo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilaabmay, sida uu sheegay Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan.
Qodobada muhiimka ah
- Dhismaha xarun lagu rido gantaallada hawada sare oo Turkiga ka dhisayo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilaabmay.
- Dowladda Turkiga waxay mashruucan u aragtaa mid muhiim u ah awooddeeda madax-bannaan ee hawada sare.
- Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa xaqiijisay in xarunta laga dhisayo agagaarka degmada Warsheekh.
- Mashruucan wuxuu Soomaaliya ka dhigi doonaa mid ka mid ah xarumaha dunida ugu muhiimsan ee daraasaadka hawada sare.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Lama hayo jawaab ka timid dhinacyada kale ee ku saabsan mashruuca.
- Faahfaahinta ku saabsan waqtiga iyo maalgelinta mashruuca lama sheegin.
Gunaanadka akhristaha
Turkigu wuxuu si rasmi ah u bilaabay dhismaha xarunta rida gantaallada hawada sare ee Soomaaliya, taas oo loo arko talaabo istaraatiiji ah oo ku saabsan awooddiisa hawada sare.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tignoolajiyada gaarka ah ee lagu horumarin doono xarunta rida gantaallada?
- Sidee mashruucan u saameyn doonaa xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya?
- Waa maxay tixgelinta deegaanka ee goobta rida gantaallada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · rasmi · dhismaha · soomaaliya