Guddiga shaqaalaha rayidka DF oo qaaday tallaabo dhabar-jab ku ah Xamza
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiGuddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa laalay go’aankii Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku saabsan buuxinta xilalka agaasimeyaasha iyadoo la adeegsanayo hannaan tartan ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Guddoonka Baarlamaanka ayaa Khamiistii amar ku bixiyay in guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda loo madaxbanneeyo gudashada waajibaadkiisa iyo fulinta hawlaha sharci ahaan loo igmaday ee ay kamid tahay shaqo qoridda, magacabidda iyo dalacsiinta shaqaalaha rayidka dowladda.
- Intaas kadib guddiga ayaa ugu dmabeyn u hoggaansamay tallaabada Baarlamaanka, wuxuuna joojiyay boosaskii la xayaysiiyay ee agaasimeyaasha waaxda maamulka shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda.
- “Iyadoo la fulinayo Qaraarka Golaha Shacabka ee summaddiisu tahay Tix: GHSH/B-11/23/09/2026, kuna taariikheysan 23/09/2026, kaasoo ujeeddadiisu tahay Qaraarka Golaha Shacabka ee Laalista Xeer Lr. 132 ee 11/05/2025 iyo Qaraarka Higelinta Hannaanka Tartanka Furan ee Shaqaalaha Dowladda ee Doorsoocasho ee Ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Lr. 205 ee 17/09/2026.
- Sidoo kale, waxaa la faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay ka gutaan waajibaadka kaga aadan fulinta Qaraarka Golaha Shacabka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka qaadi doono ka dib laalaabista tan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa fuliyay qaraarkii lagu laalay go’aankii dhawaan kasoo baxay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada lagu buuxiyo hannaan tartan ah.
- Guddoonka Baarlamaanka ayaa amar ku bixiyay in guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda loo madaxbanneeyo gudashada waajibaadkiisa.
- Guddiga ayaa ugu dambeyn u hoggaansamay tallaabada Baarlamaanka, wuxuuna joojiyay boosaskii la xayaysiiyay ee agaasimeyaasha waaxda maamulka shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa maanta fuliyay qaraarkii kasoo baxay Golaha Shacabka Soomaaliya ee lagu laalay go’aankii dhawaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan ah.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa Khamiistii amar ku bixiyay in guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda loo madaxbanneeyo gudashada waajibaadkiisa iyo fulinta hawlaha sharci ahaan loo igmaday ee ay kamid tahay shaqo qoridda, magacabidda iyo dalacsiinta shaqaalaha rayidka dowladda. Waxaa kale oo la faray inuu u hoggaansamo kala madaxbanaanida hay’adaha dowladda ee fulinta, garsoorka iyo sharcidajinta ee la xiriira arrimaha shaqaalaha.
Intaas kadib guddiga ayaa ugu dmabeyn u hoggaansamay tallaabada Baarlamaanka, wuxuuna joojiyay boosaskii la xayaysiiyay ee agaasimeyaasha waaxda maamulka shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda. Tallaabadan ayaa dhabar-jab wayn ku ah Ra’iisul wasaaraha oo damacsanaa qorshe dib u habeyn loogu sameynayo shaqaalaha dowladda.
“Iyadoo la fulinayo Qaraarka Golaha Shacabka ee summaddiisu tahay Tix: GHSH/B-11/23/09/2026, kuna taariikheysan 23/09/2026, kaasoo ujeeddadiisu tahay Qaraarka Golaha Shacabka ee Laalista Xeer Lr. 132 ee 11/05/2025 iyo Qaraarka Higelinta Hannaanka Tartanka Furan ee Shaqaalaha Dowladda ee Doorsoocasho ee Ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Lr.
205 ee 17/09/2026. Si waafaqsan Qodobka 1aad ee Qaraarka Golaha Shacabka BJFS, waxaa la hakiyey boosaskii la xayeysiiyey ee Agaasimiyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha ee Wasaaradda & Hay’adaha Dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray guddiga shaqaalaha rayidka.
Sidoo kale, waxaa la faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay ka gutaan waajibaadka kaga aadan fulinta Qaraarka Golaha Shacabka.
Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay “Sidaas darteed, si waafaqsan Qodobka 2aad ee Qaraarka iyo Qodobka 158aad iyo 159aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Federaalka, waxa uu waajibaadkiisa u gudan doonaa si waafaqsan Dastuurka, sidoo kale, Guddiga wuxuu warbixinno joogto ah siin doonaa Golaha Shacabka arrimaha la xiriira fulinta qaraarka iyo tallaabooyinkiisa waxqabadkiisa”.
Si kastaba, ha’ahaatee, Arrintan ayaa keentay is-qab-qabsi awoodeed oo durbo ka dhex bilowday guddoonka Baarlamaanka iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Is-haysiga labada xafiis ayaa loo arkaa mid salka ku haya ku tartanka awoodda iyo saamaynta siyaasadda ee dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa laalay go’aankii Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku saabsan buuxinta xilalka agaasimeyaasha iyadoo la adeegsanayo hannaan tartan ah.
Qodobada muhiimka ah
- Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa fuliyay qaraarkii lagu laalay go’aankii dhawaan kasoo baxay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada lagu buuxiyo hannaan tartan ah.
- Guddoonka Baarlamaanka ayaa amar ku bixiyay in guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda loo madaxbanneeyo gudashada waajibaadkiisa.
- Guddiga ayaa ugu dambeyn u hoggaansamay tallaabada Baarlamaanka, wuxuuna joojiyay boosaskii la xayaysiiyay ee agaasimeyaasha waaxda maamulka shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda.
- Arrintan ayaa keentay is-qab-qabsi awoodeed oo durbo ka dhex bilowday guddoonka Baarlamaanka iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha xafiiska Ra’iisul wasaare ama dhinacyada kale ee khuseeya.
- Eedeymaha ayaa si weyn ugu tiirsan bayaanada Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Baarlamaanka iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan saamaynta is-qab-qabsi awoodeedka la sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Laalaabista go’aanka Ra’iisul wasaare Xamza ayaa muujinaysa isbeddel weyn oo ku saabsan miisaanka awoodda ee dowladda Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka qaadi doono ka dib laalaabista tan?
- Sidee ayay go'aankan u saameyn doonaa howlaha socda ee wasaaradaha dowladda?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka is-qab-qabsi awoodeedka ee siyaasadda Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xamza · guddiga · shaqaalaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada