R/W Xamza oo shaaciyey in doorasho laga qabanayo deeganada Jubaland iyo habka
Warka oo kooban
50 ilbiriqsiMuqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in doorasho laga qaban doono deegaannada Jubbaland ee ay xaaladdu saamaxdo, halka meelaha aysan codbixintu ka suurtageli karin loo adeegsan doono hannaan doorasho oo loogu talagalay xaaladahaas.
Qodobbada muhiimka ah
- Xamza ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyey barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, oo la baahiyey Sabtidii, isaga oo faahfaahin ka bixiyey qorshaha dowladda federaalka ee doorashooyinka dalka.
- “Doorashadu way dhaceysaa, meel kasta oo ay ka dhici kartana way ka dhaceysaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.
- Xamza ayaa sheegay in xaaladda Jubbaland ay ka duwan tahay tan qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale, isaga oo xusay in dowladda federaalku aysan aqoonsaneyn maamulka hadda ka jira Jubbaland.
- Waxa uu sheegay in dowladda federaalku dooneyso in Jubbaland ay qeyb ka noqoto doorashada, isla markaana codbixinta laga qaban doono dhammaan deegaannada ay xaaladaha amni iyo kuwa kale saamaxaan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in doorasho laga qaban doono deegaannada Jubbaland ee ay xaaladdu saamaxdo, halka meelaha aysan codbixintu ka suurtageli karin loo adeegsan doono hannaan doorasho oo loogu talagalay xaaladahaas.
Xamza ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyey barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, oo la baahiyey Sabtidii, isaga oo faahfaahin ka bixiyey qorshaha dowladda federaalka ee doorashooyinka dalka.
“Doorashadu way dhaceysaa, meel kasta oo ay ka dhici kartana way ka dhaceysaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.
Xamza ayaa sheegay in xaaladda Jubbaland ay ka duwan tahay tan qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale, isaga oo xusay in dowladda federaalku aysan aqoonsaneyn maamulka hadda ka jira Jubbaland.
Waxa uu sheegay in dowladda federaalku dooneyso in Jubbaland ay qeyb ka noqoto doorashada, isla markaana codbixinta laga qaban doono dhammaan deegaannada ay xaaladaha amni iyo kuwa kale saamaxaan.
“Waxaan rabnaa in doorashadu dhacdo, Jubbaland-na ay Soomaaliya qeyb ka noqoto,” ayuu yiri.
Ra’iisul wasaaraha ayaa dhinaca kale qiray in xaaladaha ka jira qaar ka mid ah deegaannada Jubbaland ay suuragal ka dhigi karaan in aan halkaas laga qaban karin codbixin toos ah.
Waxa uu tusaale ahaan soo hadal qaaday Jilib, Bu’aale, Hagar, Jamaame iyo Badhaadhe, isaga oo sheegay in haddii doorasho aan laga qaban karin deegaannadaas ama meelo kale, loo adeegsan doono habraaca doorasho ee loo dejiyey xaaladaha noocaas ah.
Xamza ayaa sheegay in nidaamka loo yaqaan “hal deegaan doorasho” uu siinayo guddiyada doorashada hannaan lagu maareeyo kuraasta ama deegaannada aysan codbixintu ka qabsoomi karin.
Waxa uu tusaale u soo qaatay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan, isaga oo sheegay in doorashooyin halkaas ka dhacay ay jireen deegaanno aan codbixin laga qaban karin, balse loo adeegsaday habab kale oo lagu maareeyey xaaladahaas.
Hadallada ra’iisul wasaaraha ayaa muujinaya in dowladda federaalku qorsheyneyso inay doorashada ka sii waddo Jubbaland xitaa haddii codbixin toos ah aan laga qaban karin dhammaan deegaannada maamulka.
Xaaladda Waqooyi Bari
Xamza ayaa sidoo kale ka hadlay Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo sheegay in halkaas laga qaban doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka dowladaha hoose.
Waxa uu sheegay in madaxda iyo baarlamaanka maamulkaas ay weli haystaan muddo-xileedyadooda jira, sidaas darteedna xaaladdiisu ay ka duwan tahay meelaha kale ee uu muranka siyaasadeed ka taagan yahay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay leedahay duruufo ka duwan kuwa qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin sida arrintaas loogu dabaqi doono doorashooyinka soo socda.
Hadallada Xamza ayaa imanaya xilli dowladda federaalku ay sii waddo qorshaheeda doorashooyinka qof iyo codka ah. Dowladda ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay
Si kastaba, ballan-qaadkiisa ayaa wajihi karaa caqabadda khilaafka dowladda kala dhaxeeya maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, oo dhowr sano aan xiriir wanaagsan la laheyn Muqdisho.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · doorasho · laga · xamza