Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shir guddoomiyey kulanka 11-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka dhacay Villa Hargeysa, isagoo ka hadlay hindise-sharciyeedyada kala duwan iyo dejinta ajandaha kulamada soo socda.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
- Guddoomiyaha ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey natiijooyinka Shirweynihii 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) iyo kulankii 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo labaduba lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
- Sidoo kale, kulanka waxaa warbixinno looga dhageystay guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo ka hadlay hindise-sharciyeedyada iyo shuruucda ay gacanta ku hayaan, heerarka ay marayaan iyo waqtiga la filayo in ay soo dhammaystiraan.
- Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah ayaa dejiyey ajandaha iyo jadwalka kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay hindise-sharciyeedyada gaarka ah ee kulanka lagu hadlay?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shir guddoomiyey kulanka 11-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.
- Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
- Guddoomiyaha ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey natiijooyinka Shirweynihii 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) iyo kulankii 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
MUQDISHO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir guddoomiyey kulanka 11-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka tirsan Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guddoomiyaha ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey natiijooyinka Shirweynihii 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) iyo kulankii 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo labaduba lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Sidoo kale, kulanka waxaa warbixinno looga dhageystay guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo ka hadlay hindise-sharciyeedyada iyo shuruucda ay gacanta ku hayaan, heerarka ay marayaan iyo waqtiga la filayo in ay soo dhammaystiraan.
Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah ayaa dejiyey ajandaha iyo jadwalka kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga uga mahadceliyey dadaalkooda iyo wada-shaqeyntooda ku aaddan dardargelinta howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shir guddoomiyey kulanka 11-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka dhacay Villa Hargeysa, isagoo ka hadlay hindise-sharciyeedyada kala duwan iyo dejinta ajandaha kulamada soo socda.
Qodobada muhiimka ah
- Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shir guddoomiyey kulanka 11-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.
- Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
- Guddoomiyaha ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey natiijooyinka Shirweynihii 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) iyo kulankii 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
- Guddiga Joogtada ah ayaa dejiyey ajandaha iyo jadwalka kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ama aragtiyo kale.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka ama doodaha kulanka ma jiraan.
- Faahfaahinta ku saabsan hindise-sharciyeedyada gaarka ah ee la hadlay ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka wuxuu muujinayaa hawlaha sharci-dejinta ee socda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay hindise-sharciyeedyada gaarka ah ee kulanka lagu hadlay?
- Waa maxay natiijooyinka kulamadii hore ee la xusay?
- Ma jiraan wax raac ah oo la qorsheynayo oo ku saabsan doodaha la qabtay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guddiga · guddoomiyaha · shir
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qaybgalay Xuska Dadkii ku Dhintay Qaraxii Soobe
Shabelle Media
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qaybgalay Xuska 9 Sano Guuradii Ka soo Wareegtay Qaraxii Soobe
Goobjoog Somali
- Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyey Taariikhaha Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya
Shabelle Media