Is-beddel lama filaan ah oo ku yimid dagaalkii gobolka Tigray
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa la sheegay inay isaga baxayaan magaalada Mekelle iyadoo ciidamada dowladda Itoobiya ay kusoo siqayaan, isla markaana dib ula wareegeen garoonka Alula Aba Nega.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinKhilaafka Itoobiya iyo Eritrea ayaa bilihii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo Asmara ay Addis Ababa ku eedeysay inay damacsan tahay inay xoog ku hesho marin ay uga baxdo Badda Cas.
- Wariye maxalli ah iyo dad deggan Mekelle ayaa wakaaladda AFP u sheegay in xubnaha Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay bilaabeen inay magaalada ka baxaan, iyadoo xarumo dowladeed iyo saldhigyo boolis laga waayay ciidamadii ammaanka.
- “Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF way ka baxayaan Mekelle,” ayuu yiri wariyaha, isaga oo sheegay in ciidamada federaalka aan weli lagu arag gudaha magaalada.
- Dhanka kale, Reuters ayaa Sabtida werisay in ciidamada federaalka Itoobiya ay dib ula wareegeen garoonka Alula Aba Nega ee Mekelle, sida ay sheegeen saddex ilo xog-ogaal ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta degdegga ah ee ka bixitaanka TPLF ku yeelan doonto amniga magaalada Mekelle?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa isaga baxaya magaalada Mekelle iyadoo ciidamada dowladda Itoobiya ay kusoo siqayaan.
- Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa dib ula wareegeen garoonka Alula Aba Nega ee Mekelle.
- Ka bixitaanka ciidamada TPLF ayaa walaac ka dhaliyay gudaha Mekelle.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Mekelle (Caasimada Online) — Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa Sabtida isaga baxayay magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray, xilli ciidamada dowladda Itoobiya ay kusoo siqayaan magaalada, isla markaana ay dib ula wareegeen garoonkeeda diyaaradaha.
Wariye maxalli ah iyo dad deggan Mekelle ayaa wakaaladda AFP u sheegay in xubnaha Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay bilaabeen inay magaalada ka baxaan, iyadoo xarumo dowladeed iyo saldhigyo boolis laga waayay ciidamadii ammaanka.
“Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF way ka baxayaan Mekelle,” ayuu yiri wariyaha, isaga oo sheegay in ciidamada federaalka aan weli lagu arag gudaha magaalada.
Dhanka kale, Reuters ayaa Sabtida werisay in ciidamada federaalka Itoobiya ay dib ula wareegeen garoonka Alula Aba Nega ee Mekelle, sida ay sheegeen saddex ilo xog-ogaal ah. Garoonka ayaa ka mid ahaa goobo muhiim ah oo TPLF ay qabsatay markii dagaalka cusub uu qarxay 23-kii September.
Qabsashada garoonka iyo ka bixitaanka xubnaha TPLF ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka, kadib markii xoogagga Tigray ay maalmo ka hor horumar ka sameeyeen gobollada deriska la ah Tigray.
Dagaalka ayaa 23-kii September ka qarxay waqooyiga Itoobiya, markii TPLF iyo xoogag ay xulafo yihiin ay weerarro ka bilaabeen qeybo ka mid ah Afar iyo Amhara, taas oo dhalisay cabsi laga qabo inuu dib u qarxo dagaal ballaaran oo la mid ah kii 2020-2022.
Laakiin ciidamada federaalka iyo maleeshiyaadka taageersan dowladda ayaa maalmihii dambe qaaday weerar rogaalcelis ah, iyagoo dib u riixay xoogagga TPLF, kadibna dhowr jiho uga soo dhaqaaqay dhinaca Mekelle.
Reuters ayaa Jimcihii werisay in ciidamada dowladda iyo xoogagga taageersan ay kusoo dhowaadeen Mekelle, iyadoo dagaalka cusub uu noqday kii ugu xooganaa tan iyo heshiiskii nabadeed ee 2022.
Cabsi laga qabo fowdo
Ka bixitaanka ciidamada iyo saraakiisha TPLF ayaa walaac ka dhaliyay gudaha Mekelle, halkaas oo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in la waayo kala dambeynta ka hor inta aysan ciidamada dowladda gaarin gudaha magaalada.
“Waxaan ka walaacsanahay in hantida dowladda iyo tan dadweynaha ay u nuglaato bililiqo, sababtoo ah magaalada ma joogaan ciidamo amni,” ayuu qof deggan Mekelle u sheegay AFP.
Qof kale ayaa sheegay inuu ka baqayo in sharci-darro ay ku faafto magaalada.
“Waxaan ka baqayaa nafteyda. Waxaan dooneynaa in si degdeg ah loogu soo laabto sharciga iyo kala dambeynta,” ayuu yiri.
Xaaladda dhabta ah ee qeybo badan oo magaalada iyo gobolka ah ayaa weli adag in si madax-bannaan loo xaqiijiyo, maadaama gelitaanka warbaahinta uu aad u xaddidan yahay, isla markaana ay jiraan go’itaanno waaweyn oo dhanka isgaarsiinta ah.
TPLF ayaa muddo dheer ahayd awoodda ugu weyn ee Tigray, waxaana horaantii sanadkan ay meesha ka saartay maamul ay dowladda federaalku taageeraysay.
Hase yeeshee, horumarka ay hadda sameynayaan ciidamada dowladda ayaa TPLF dib ugu celinaya xaalad u eg tii bilowgii dagaalkii 2020, markii ciidamada federaalka ay qabsadeen Mekelle.
Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa Khamiistii muujiyay in xoogaggiisu ay u wareegi karaan dagaal dhuumaaleysi ah haddii ay lumiyaan magaalooyinka waaweyn.
“Waxaan ku shaqeyneynaa istaraatiijiyad aan cadowga ku garaaceyno meel kasta oo aan dooranno,” ayuu yiri.
TPLF ayaa qaab la mid ah u dagaallantay kadib markii Mekelle ay ciidamada dowladda qabsadeen dabayaaqadii 2020. Dagaalyahannada Tigray ayaa markaas dib ugu laabtay dhulka miyiga ah, waxayna ugu dambeyn dib ula wareegeen magaalada bartamihii 2021.
Xiisadda oo gobolka ku fidaysa
Dagaalka cusub ayaan ku koobnaan oo keliya khilaafka gudaha Itoobiya, balse wuxuu sidoo kale sababay burbur weyn oo ku yimid xiriirka Addis Ababa kala dhexeeya Eritrea iyo Masar.
Itoobiya ayaa ku eedeysay Eritrea, Masar iyo Sudan inay taageerayaan xoogagga kasoo horjeeda dowladda. Dalalka la eedeeyay ayaa diiday inay taageerayaan fallaagada.
Addis Ababa ayaa Khamiistii xirtay safaaraddeeda Asmara, isla markaana cayrisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah. Eritrea ayaa jawaab ahaan ku dhawaaqday inay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya.
Itoobiya ayaa sidoo kale cayrisay diblomaasi Masri ah, iyadoo Qaahira ay qaaday tallaabo la mid ah.
Khilaafka Itoobiya iyo Eritrea ayaa bilihii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo Asmara ay Addis Ababa ku eedeysay inay damacsan tahay inay xoog ku hesho marin ay uga baxdo Badda Cas.
Debretsion ayaa isaguna dagaalka hadda socda ku xiriiriyay loollanka gobolka.
“Dagaalku waa mid goboleed, waana dagaal lagu doonayo in lagu xakameeyo Badda Cas,” ayuu yiri.
Madaxda gobolka oo ku kulmaya
Iyadoo dagaalku sii xoogeysanayo, madaxda Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Sudan ayaa Axadda lagu wadaa inay kulan wada-tashi ah ku yeeshaan magaalada New Alamein ee Masar.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa lagu wadaa inay ka qeyb-galaan kulanka.
Afhayeenka madaxtooyada Masar ayaa Sabtida sheegay in kulanka afarta dhinac looga tashan doono arrimaha gobolka ee ay wadaagaan dalalkaas.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Itoobiya uu xiriirkeedu aad u xumaaday Eritrea iyo Masar, isla markaana Addis Ababa ay labada dal ku eedeysay inay taageerayaan TPLF.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Alamein Africa Forum, oo ka socda Masar 2-da ilaa 4-ta October, waxaana madasha ka qeybgalaya madax iyo masuuliyiin sare oo Afrikaan ah.
Nabad jilicsan oo burburtay
TPLF waxay ahayd awoodda ugu weyn ee isbahaysigii xukumayay Itoobiya intii u dhaxeysay 1991 iyo 2018, kahor inta uusan ra’iisul wasaare Abiy Ahmed talada la wareegin, iyadoo awooddii siyaasadeed ee TPLF ay si weyn hoos ugu dhacday.
Xiisaddii ka dhalatay loollankaas ayaa horseeday dagaalkii Tigray ee 2020-2022, oo noqday mid ka mid ah dagaalladii ugu dhimashada badnaa dunida sannadihii dambe.
Heshiiskii Pretoria ee November 2022 ayaa soo afjaray dagaalkii weynaa, balse qodobbo muhiim ah oo heshiiskaas ka mid ah ayaan si buuxda loo dhaqan-gelin.
Xasilloonidii jilicsaneyd ee heshiiskaas dhalisay ayaa sannadkii la soo dhaafay sii wiiqmeysay, waxaana dagaalka dib u qarxay bishii September uu hadda mar kale ciidamada dowladda Itoobiya keenay afaafka Mekelle.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa la sheegay inay isaga baxayaan magaalada Mekelle iyadoo ciidamada dowladda Itoobiya ay kusoo siqayaan, isla markaana dib ula wareegeen garoonka Alula Aba Nega. Isbeddelkan ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka kadib markii TPLF ay horumar sameeyeen.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa isaga baxaya magaalada Mekelle iyadoo ciidamada dowladda Itoobiya ay kusoo siqayaan.
- Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa dib ula wareegeen garoonka Alula Aba Nega ee Mekelle.
- Ka bixitaanka ciidamada TPLF ayaa walaac ka dhaliyay gudaha Mekelle.
- Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa muujiyay in xoogaggiisu ay u wareegi karaan dagaal dhuumaaleysi ah haddii ay lumiyaan magaalooyinka waaweyn.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixinno ka yimid wariyayaal maxalli ah iyo dadka deggan, iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid TPLF ku saabsan ka bixitaankooda.
- Xaaladda dhabta ah ee magaalada Mekelle ayaa weli adag in la xaqiijiyo maadaama gelitaanka warbaahinta uu xaddidan yahay.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda magaalada Mekelle ayaa si degdeg ah u isbedelaysa, iyadoo saameyn suurtagal ah ku yeelan karta amniga iyo maamulka gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doontaa saameynta degdegga ah ee ka bixitaanka TPLF ku yeelan doonto amniga magaalada Mekelle?
- Sidee ayay dowladda Itoobiya uga jawaabi doontaa suurtagalnimada fowdo magaalada?
- Maxay noqon doonaan istaraatiijiyada TPLF haddii ay u wareegaan dagaal dhuumaaleysi ah?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · gobolka · tigray · lama
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada