Kadib halis soo korortay, DF iyo Puntland oo qaaday tallaabooyin degdeg ah
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiKenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola, iyadoo bukaankii laga helay cudurka uu u geeriyooday.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Xaqiijinta kiiskan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo faafitaanka cudurka ee gobolka, xilli Ebola uu si weyn uga jiro Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halka sidoo kale laga helay dalalka deriska la ah sida Uganda iyo Rwanda.
- Iyadoo laga duulayo xaaladda cusub ee ka soo korortay Kenya, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow uga feejigan tahay faafitaanka cudurka Ebola, iyadoo xustay inay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo looga hortagayo khatarta uu cudurku ku yeelan karo dalka.
- Cudurka Ebola waxaa sababa fayruska loo yaqaan Ebolavirus, kaas oo qof ilaa qof ugu gudbi kara taabashada dhiigga ama dheecaannada jirka qof qaba cudurka, gaar ahaan marka qofka ay ka muuqdaan calaamadaha cudurka.
- Qofka uu cudurku ku dhaco waxaa calaamadaha looga arki karaa muddo u dhexeysa 2 ilaa 21 maalmood, waxaana kamid noqon kara qandho daran, murqo-xanuun, daal xad-dhaaf ah, lalabo, shuban iyo calool-xanuun.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaadeen Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow uga feejigan tahay faafitaanka cudurka Ebola, iyadoo xustay inay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo looga hortagayo khatarta uu cudurku ku yeelan karo dalka.
- Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay xoojisay u-diyaargarowga cudurka Ebola, kaddib markii Kenya ay xaqiijisay kiiska ugu horreeyay ee cudurkaas.
- Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa caddeysay in ilaa hadda aan Puntland laga xaqiijin wax kiis ah oo Ebola ah, balse ay si gaar ah ula socoto xaaladda cudurka ee ka jirta dalalka deriska ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ee laga helay dalkaas, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale uu sheegay in bukaankii laga helay cudurka uu u geeriyooday.
Xaqiijinta kiiskan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo faafitaanka cudurka ee gobolka, xilli Ebola uu si weyn uga jiro Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halka sidoo kale laga helay dalalka deriska la ah sida Uganda iyo Rwanda.
Iyadoo laga duulayo xaaladda cusub ee ka soo korortay Kenya, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow uga feejigan tahay faafitaanka cudurka Ebola, iyadoo xustay inay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo looga hortagayo khatarta uu cudurku ku yeelan karo dalka.
Cudurka Ebola waxaa sababa fayruska loo yaqaan Ebolavirus, kaas oo qof ilaa qof ugu gudbi kara taabashada dhiigga ama dheecaannada jirka qof qaba cudurka, gaar ahaan marka qofka ay ka muuqdaan calaamadaha cudurka.
Qofka uu cudurku ku dhaco waxaa calaamadaha looga arki karaa muddo u dhexeysa 2 ilaa 21 maalmood, waxaana kamid noqon kara qandho daran, murqo-xanuun, daal xad-dhaaf ah, lalabo, shuban iyo calool-xanuun.
Calaamadaha kale ee lagu arki karo qofka qaba cudurka waxaa kamid ah cunaha oo xanuuna, indhaha oo casaada ama gaduuta, dhiig-bax gudaha ah, finan kasoo baxa maqaarka iyo xubnaha jirka qaarkood oo shaqada joojiya.
Dhanka Puntland, Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay xoojisay u-diyaargarowga cudurka Ebola, kaddib markii Kenya ay xaqiijisay kiiska ugu horreeyay ee cudurkaas, iyadoo sidoo kale sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda caafimaad ee gobolka.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa caddeysay in ilaa hadda aan Puntland laga xaqiijin wax kiis ah oo Ebola ah, balse ay si gaar ah ula socoto xaaladda cudurka ee ka jirta dalalka deriska ah iyo guud ahaan gobolka, gaar ahaan kiiska laga xaqiijiyey Kenya.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay inay xoojisay tallaabooyinka u-diyaargarowga, ogaanshaha hore iyo jawaabaha degdegga ah ee la xiriira ka hortagga cudurka Ebola, iyadoo tallaabooyinkaas lagu xoojinayo awoodda looga hortagi karo faafitaanka cudurka.
Puntland ayaa shacabka ugu baaqday in qof kasta oo leh qandho, daal daran, madax-xanuun, murqo-xanuun, matag, shuban ama dhiig-bax aan caadi ahayn, gaar ahaan qof safar ku tagay dal uu cudurku ka jiro, uu si degdeg ah ula xiriiro xarunta caafimaad ee ugu dhow.
“Wasaaraddu waxay si joogto ah ula shaqaynaysaa hay’adaha dowladaha ee ku shaqada leh maaraynta khataraha iyo bah-wadaagta caafimaadka, si loo xoojiyo awoodda Puntland ee ka hortagga, ogaanshaha iyo ka jawaabidda cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, oo uu ka mid yahay Ebola,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Si kastaba, Wasaaradda Caafimaadka heer federaal iyo maamulka Puntland ayaa ku booriyay bulshada inay ka feejignaadaan calaamadaha cudurka, isla markaana ay raacaan tilmaamaha caafimaad ee la xiriira ka hortagga iyo xakameynta Ebola, iyadoo la xoojinayo diyaar-garowga caafimaad ee Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola, iyadoo bukaankii laga helay cudurka uu u geeriyooday. Iyadoo ka jawaabaysa, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin looga hortagayo faafitaanka cudurka.
Qodobada muhiimka ah
- Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola, iyadoo bukaankii laga helay cudurka uu u geeriyooday.
- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow uga feejigan tahay faafitaanka cudurka Ebola, iyadoo xustay inay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo looga hortagayo khatarta uu cudurku ku yeelan karo dalka.
- Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay xoojisay u-diyaargarowga cudurka Ebola, kaddib markii Kenya ay xaqiijisay kiiska ugu horreeyay ee cudurkaas.
- Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa caddeysay in ilaa hadda aan Puntland laga xaqiijin wax kiis ah oo Ebola ah, balse ay si gaar ah ula socoto xaaladda cudurka ee ka jirta dalalka deriska ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid mas'uuliyiinta caafimaadka Kenya ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya.
- Maqaalku ma xusin wax bayaanno ah oo ka yimid khubaro caafimaad ama ilo madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaashu waa inay ka warqabaan kiiskii la xaqiijiyay ee Ebola ee Kenya iyo tallaabooyinka taxaddarka ah ee la qaaday Soomaaliya iyo Puntland.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaadeen Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya?
- Sidee Puntland u kormeeri doontaa xaaladda caafimaad ee la xiriirta Ebola?
- Maxay yihiin agabka la heli karo ee loogu talagalay jawaabaha caafimaadka dadweynaha ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qaaday · korortay · soo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada