Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, ayaa shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta ilaalinta carruurta Soomaaliyeed iyo ka hortagga in loo adeegsado colaadaha hubeysan ama askareynta. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta Mabda’a Vancouver, oo ah hannaan caalami ah oo lagu xoojinayo tallaabooyinka looga hortagayo ka faa’iidaysig
Kulanka ayaa lagu qabtay Muqdisho si loo xoojiyo ilaalinta carruurta Soomaaliyeed iyo ka hortagga askareynta.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka waxaa shir-guddoomiyay Yuusuf Cali Maxamed, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
- Diiradda kulanka ayaa lagu saaray dardargelinta hirgelinta Mabda’a Vancouver.
- Muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa la adkeeyay.
“Muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la xoojiyo ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed xilliyada colaadaha hubeysan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, ayaa shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta ilaalinta carruurta Soomaaliyeed iyo ka hortagga in loo adeegsado colaadaha hubeysan ama askareynta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta Mabda’a Vancouver, oo ah hannaan caalami ah oo lagu xoojinayo tallaabooyinka looga hortagayo ka faa’iidaysiga carruurta xilliyada colaadaha hubeysan.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan hay’adda Save the Children, si loo hirgeliyo siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay xubnaha Kooxda Shaqada ee Ilaalinta Carruurta Xilliyada Colaadaha Hubeysan (CAAC Working Group), oo ay ku jireen wakiillo ka socday Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.