Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah kula qaatay, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka dhaqanka deegaanka, kuwaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamad

Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Jowhar saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo hoggaanka dhaqanka deegaanka si ay uga wada hadlaan xoojinta amniga iyo kor u qaadista wada shaqeynta bulshada iyo ciidamada ammaanka.
Qodobada muhiimka ah
- Kulamada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa amniga iyo iskaashiga bulshada iyo hay’adaha ammaanka.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay ciidamada ammaanka dadaalkooda ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta nabadda.
- Wuxuu ka hadlay doorka odayaasha dhaqanka ee doorashooyinka soo socda iyo geeddi socodka dimuquraadiyeynta.
- Madaxweynaha, oo ay wehliyaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa kormeeray dhismaha xarunta Golaha Wakiilada Hirshabeelle.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la xiriira horumarada amniga.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka imaanaya xisbiyada mucaaradka ama dhinacyada kale.
- Faahfaahinta ku saabsan natiijooyinka kulamada ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
Gunaanadka akhristaha
Kulamada ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga iyo geeddi socodka dimuquraadiyeynta Hirshabeelle.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo xoojiyo amniga sida lagu sheegay kulamada?
- Sidee ayay ka qaybgalka odayaasha deegaanka u saameyn doontaa doorashooyinka soo socda?
- Waa maxay waqtiga la filayo in la dhameystiro dhismaha xarunta Golaha Wakiilada Hirshabeelle?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah kula qaatay, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka dhaqanka deegaanka, kuwaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhageystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta iyo sugidda amniga ayaa ku bogaadiyay sida ay mas’uuliyadda culus isaga saareen in natiijooyin muuqdo laga gaaro dagaalka ka dhanka argagixisada, ilaalinta nabad-galyada iyo garab-istaagga bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka howl galaan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Odayaasha dhaqanka deegaaanada Hirshabeelle kala hadlay sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen hirgalinta doorashooyinka loo dhanyahay ee dhowaan ka qabsoomaya deegaanka, xoojinta geeddi socodka dimuquraadiyeynta dalka iyo adkeynta dowladnimada, isaga oo ku amaanay doorkooda wax ku oolka ah ee hoggaanka dhaqanka deegaanku ku leeyihiin nabadda, horumarka, midnimada iyo dhismaha dowladnimada.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeeray Xarunta Golaha Wakiilada Hirshabeelle, iyadoo uu gabogabo marayo dhismaha xarunta Golaha Wakiilada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.