Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Mucaaradka Ku Dhaliilay Cabsi-gelin Shacabka, Kana Hadlay Doorashooyinka iyo Amniga
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliil culus u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay shacabka ku abuuraan cabsi la xiriirta xaaladda dalka iyo amniga, isagoo ka hadlay qorshaha dowladda ee doorashooyinka soo socda.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinMadaxweynaha ayaa ku celiyay in dowladda ay diyaar u tahay wada-hadal iyo dhegeysiga talooyinka dhinacyada siyaasadda, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo awoodda siyaasadeed lagu xalliyo hannaan sharci ah.
- Madaxweynaha ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu u jeediyay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), isaga oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo codka ah, xorriyadda siyaasadeed iyo ilaalinta amniga.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo xisbiyaysan, taas oo uu tilmaamay inay waafaqsan tahay dastuurka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
- Waxa uu xusay in dowladdu diyaar u tahay inay dhegeysato talooyinka siyaasiyiinta iyo bulshada, balse aysan aqbali doonin in dalka dib loogu celiyo hannaan siyaasadeed oo ku dhisan awood-qaybsi kooban iyo go’aanno ay gaaraan dad tiro yar.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si doorashooyinka soo socda ay u noqdaan kuwo xor ah oo cadaalad ah?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliil culus u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay shacabka ku abuuraan cabsi iyo walaac la xiriira xaaladda dalka, amniga iyo loollanka siyaasadeed.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo xisbiyaysan, taas oo uu tilmaamay inay waafaqsan tahay dastuurka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
- Madaxweynaha ayaa sidoo kale beeniyay in dowladdiisu siyaasiyiin u xirto aragtiyahooda siyaasadeed, isaga oo sheegay inaysan jirin maxaabiis siyaasadeed oo dalka ku xiran.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhaliil culus u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay shacabka ku abuuraan cabsi iyo walaac la xiriira xaaladda dalka, amniga iyo loollanka siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu u jeediyay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), isaga oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo codka ah, xorriyadda siyaasadeed iyo ilaalinta amniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo xisbiyaysan, taas oo uu tilmaamay inay waafaqsan tahay dastuurka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay in dowladdu diyaar u tahay inay dhegeysato talooyinka siyaasiyiinta iyo bulshada, balse aysan aqbali doonin in dalka dib loogu celiyo hannaan siyaasadeed oo ku dhisan awood-qaybsi kooban iyo go’aanno ay gaaraan dad tiro yar. “Ballanteennu waa doorasho qof iyo cod ah, xisbiyaysan, dastuurkana ku qoran,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Isaga oo ka hadlayay mowqifka mucaaradka, ayuu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiintu ay bulshada u gudbinayaan farriimo keeni kara cabsi, colaad iyo kala shaki, isaga oo ku boorriyay inay soo bandhigaan aragtiyo wax-ku-ool ah, isla markaana ay miiska wada-hadalka yimaadaan si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed.
“Dadka Soomaaliyeed yaan la khaldin; intaas keliya ayaan leeyahay,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isaga oo ka digay in tartanka siyaasadeed loo beddelo xiisado amni iyo qalalaase.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale beeniyay in dowladdiisu siyaasiyiin u xirto aragtiyahooda siyaasadeed, isaga oo sheegay inaysan jirin maxaabiis siyaasadeed oo dalka ku xiran.
“Maanta meesha aan joogno, hal qof oo siyaasi ah oo xabsi ku jira ma qabno; maxaabiis siyaasadeed ma qabno,” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in siyaasiyiintu ay xor u yihiin inay aragtidooda dhiibtaan oo ay dowladda dhaliilaan, iyadoo la dhowrayo sharciga iyo amniga guud.
Dhanka amniga, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka loo qabto arrimaha amniga lagu hayo saldhigyo ama xarumo dowladeed oo la garanayo, isaga oo caddeeyay in aan lagu xiri doonin goobo qarsoodi ah.
Waxa uu xusay in dowladda ay ilaalinayso sharafta iyo karaamada muwaadiniinta, hase yeeshee ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo hub ama abaabul amni-darro u adeegsanaysa loollanka siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa ku celiyay in dowladda ay diyaar u tahay wada-hadal iyo dhegeysiga talooyinka dhinacyada siyaasadda, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo awoodda siyaasadeed lagu xalliyo hannaan sharci ah.
Hadalladiisa ayaa imanaya xilli hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka dowladda iyo mucaaradka ay weli yihiin arrimo muhiim u ah siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo xal u heliddoodu saameyn ku yeelan karto xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliil culus u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay shacabka ku abuuraan cabsi la xiriirta xaaladda dalka iyo amniga, isagoo ka hadlay qorshaha dowladda ee doorashooyinka soo socda.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliil culus u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay shacabka ku abuuraan cabsi iyo walaac la xiriira xaaladda dalka, amniga iyo loollanka siyaasadeed.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo xisbiyaysan, taas oo uu tilmaamay inay waafaqsan tahay dastuurka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
- Madaxweynaha ayaa sidoo kale beeniyay in dowladdiisu siyaasiyiin u xirto aragtiyahooda siyaasadeed, isaga oo sheegay inaysan jirin maxaabiis siyaasadeed oo dalka ku xiran.
- Madaxweynaha ayaa ku celiyay in dowladda ay diyaar u tahay wada-hadal iyo dhegeysiga talooyinka dhinacyada siyaasadda, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo awoodda siyaasadeed lagu xalliyo hannaan shar
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha siyaasiyiinta mucaaradka.
- Eedeymaha madaxweynaha ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada madaxweynaha ayaa muujinaya xiisadaha socda ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsan muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si doorashooyinka soo socda ay u noqdaan kuwo xor ah oo cadaalad ah?
- Sidee ayay dowladda u qorsheyneysaa inay wax uga qabato walaacyada ay soo jeediyeen mucaaradka?
- Maxay yihiin tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga inta lagu jiro habka doorashada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shacabka · amniga · xasan
Sii akhri
- {DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Ka Hadlay Doorashooyinka iyo Wadahadallada Siyaasadeed
Hiiraanweyn
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Ganacsato Turki ah
Hiiraanweyn
- Farmaajo oo ka horyimid go’aanka guddiga doorashooyinka, soona saaray digniin culus
Caasimada Online