Mareykanka Oo Itoobiya Iyo Eritrea Ugu Baaqay Xakamayn Iyo Wada-hadal
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Mareykanka ayaa Itoobiya iyo Eritrea ugu baaqday inay muujiyaan xakamaynta ugu sarreysa iyo inay ka fogaadaan tallaabooyin horseedi kara dagaal cusub oo Geeska Afrika.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Thomas “Tommy” Pigott, ayaa sheegay in xiisadaha sii kordhaya ee xuduudda Itoobiya iyo Eritrea ay awood u leeyihiin inay qalalaase ka abuuraan gobolka oo dhan.
- Washington waxay labada dowladood ugu baaqday inay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka deriska la ah, isla markaana ay dib ugu laabtaan wada-hadalka iyo iskaashiga lagu heshiiyey heshiiskii nabadeed ee 2018.
- Bayaanka ayaa soo baxay kaddib markii Itoobiya ay xirtay safaaraddeeda Asmara, isla markaana ay dalka ka cayrisay toban diblomaasi oo Eritrean ah.
- Itoobiya waxay Eritrea ku eedeysay inay taageerayso isbahaysiga hubeysan ee TPLF hoggaamiso, kaas oo dagaal kula jira ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga taageersan.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Mareykanku ka filayo Itoobiya iyo Eritrea si loo yareeyo xiisadaha?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Mareykanka ayaa Itoobiya iyo Eritrea ugu baaqday inay muujiyaan xakamaynta ugu sarreysa, kana fogaadaan tallaabooyin horseedi kara dagaal cusub oo saameeya guud ahaan Geeska Afrika.
- Mareykanku wuxuu ka digay in xiisadaha sii kordhaya ee xuduudda Itoobiya iyo Eritrea ay awood u leeyihiin inay qalalaase ka abuuraan gobolka oo dhan.
- Itoobiya ay xirtay safaaraddeeda Asmara, isla markaana ay dalka ka cayrisay toban diblomaasi oo Eritrean ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
WASHINGTON (Goobjoog News) — Dowladda Mareykanka ayaa Itoobiya iyo Eritrea ugu baaqday inay muujiyaan xakamaynta ugu sarreysa, kana fogaadaan tallaabooyin horseedi kara dagaal cusub oo saameeya guud ahaan Geeska Afrika.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Thomas “Tommy” Pigott, ayaa sheegay in xiisadaha sii kordhaya ee xuduudda Itoobiya iyo Eritrea ay awood u leeyihiin inay qalalaase ka abuuraan gobolka oo dhan. Wuxuu ka digay in Geeska Afrika uusan xamili karin dagaal kale iyo masiibo bani’aadannimo oo cusub.
Washington waxay labada dowladood ugu baaqday inay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka deriska la ah, isla markaana ay dib ugu laabtaan wada-hadalka iyo iskaashiga lagu heshiiyey heshiiskii nabadeed ee 2018. Mareykanku wuxuu sheegay in nabad lagu gaaro wada-hadal ay tahay waddada keliya ee horseedi karta amni, koboc dhaqaale iyo barwaaqo waarta.
Bayaanka ayaa soo baxay kaddib markii Itoobiya ay xirtay safaaraddeeda Asmara, isla markaana ay dalka ka cayrisay toban diblomaasi oo Eritrean ah. Eritrea ayaa tallaabadaas kaga jawaabtay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen falal cadaawadeed iyo faragelin amni.
Itoobiya waxay Eritrea ku eedeysay inay taageerayso isbahaysiga hubeysan ee TPLF hoggaamiso, kaas oo dagaal kula jira ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga taageersan. Eritrea way beenisay eeddaas, halka dagaallada waqooyiga Itoobiya ay sii kordhiyeen cabsida laga qabo in colaadda gudaha ay isu beddesho dagaal goboleed.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dagaal cusub uu halis gelin karo iskaashiga uu la leeyahay Itoobiya iyo Eritrea ee arrimaha ay wadaagaan. Bayaanka laguma dhawaaqin cunaqabatayn cusub, dhex-dhexaadin rasmi ah ama jadwal loo dejiyey wada-hadalka labada dowladood.
Soomaaliya, isku dhac toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea wuxuu saameyn ku yeelan karaa amniga Geeska Afrika, hawlgallada ka dhanka ah Al‑Shabaab iyo doorka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya. Waxa kale oo uu kordhin karaa barakaca, baahiyaha bani’aadannimo iyo loollanka quwadaha gobolka ee ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Geeska Afrika.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Mareykanka ayaa Itoobiya iyo Eritrea ugu baaqday inay muujiyaan xakamaynta ugu sarreysa iyo inay ka fogaadaan tallaabooyin horseedi kara dagaal cusub oo Geeska Afrika.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Mareykanka ayaa Itoobiya iyo Eritrea ugu baaqday inay muujiyaan xakamaynta ugu sarreysa, kana fogaadaan tallaabooyin horseedi kara dagaal cusub oo saameeya guud ahaan Geeska Afrika.
- Mareykanku wuxuu ka digay in xiisadaha sii kordhaya ee xuduudda Itoobiya iyo Eritrea ay awood u leeyihiin inay qalalaase ka abuuraan gobolka oo dhan.
- Itoobiya ay xirtay safaaraddeeda Asmara, isla markaana ay dalka ka cayrisay toban diblomaasi oo Eritrean ah.
- Eritrea ayaa tallaabadaas kaga jawaabtay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen falal cadaawadeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Itoobiya ama Eritrea ee ku aaddan bayaannada Mareykanka.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedaha labada dhinac.
- Cunaqabatayn cusub ama dhex-dhexaadin rasmi ah laguma xusin maqaalka.
Gunaanadka akhristaha
Mareykanka ayaa si firfircoon ugu baaqaya xakamaynta Itoobiya iyo Eritrea iyadoo xiisaduhu sii kordhayaan, taasoo khatar ku ah degganaanshaha gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Mareykanku ka filayo Itoobiya iyo Eritrea si loo yareeyo xiisadaha?
- Sidee bay xiritaanka safaaradda Itoobiya ee Asmara u saameyn doontaa xiriirka diblomaasiyadeed?
- Maxay yihiin cawaaqibka xaaladdan ee ku saabsan baahiyaha bani’aadannimo ee gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · eritrea · itoobiya · mareykanka