Mareykanka oo muddo hal sano ah dib u cusbooneysiinaya taageerada milatari ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay muddo hal sano ah dib u cusbooneysiiso taageerada milatari ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinMadaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u riixay qorsheyaal la xiriira hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, balse wax-ka-beddellada dastuurka ee la ansixiyay bishii Maarso ayaa dhaliyay khilaaf xooggan, gaar ahaan qodobada la xiriira muddada xil-haynta hay’adaha dowladda.
- Go’aankan oo ay Axaddii shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka dhigan in Washington ay dib u eegis ku sameysay mowqifkeedii hore ee ahaa in la joojiyo maalgelinta UNSOS, oo door muhiim ah ka qaata bixinta saadka iyo taageerada howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
- Mareykanka ayaa horay u shaaciyay inuu joojinayo maalgelinta xafiiska UNSOS, isaga oo sidoo kale qorsheeyay in xafiiska gebi ahaanba la xiro dhammaadka sannadka 2027.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in kaddib qiimeyn la sameeyay, Washington ay go’aansatay inay taageerto muddo-kordhin hal sano ah oo loo sameeyo waajibaadka UNSOS iyo AUSSOM.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddelka mowqifka Mareykanka ee ku aaddan taageerada milatari ee Soomaaliya, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida howlgalada socda iyo xaaladda siyaasadeed.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddelada gaarka ah ee sababay in Mareykanku dib u eego go'aankiisa maalgelinta?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay muddo hal sano ah dib u cusbooneysiiso taageerada milatari ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM)
- Mareykanka ayaa horay u shaaciyay inuu joojinayo maalgelinta xafiiska UNSOS, isaga oo sidoo kale qorsheeyay in xafiiska gebi ahaanba la xiro dhammaadka sannadka 2027.
- Go’aanka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington – Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay muddo hal sano ah dib u cusbooneysiiso taageerada dhaqaale ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaddib markii ay hore u shaacisay qorshe ay ku joojinayso maalgelinta howlgalka.
Go’aankan oo ay Axaddii shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka dhigan in Washington ay dib u eegis ku sameysay mowqifkeedii hore ee ahaa in la joojiyo maalgelinta UNSOS, oo door muhiim ah ka qaata bixinta saadka iyo taageerada howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Mareykanka ayaa horay u shaaciyay inuu joojinayo maalgelinta xafiiska UNSOS, isaga oo sidoo kale qorsheeyay in xafiiska gebi ahaanba la xiro dhammaadka sannadka 2027. Tallaabadaasi ayaa walaac ka dhalisay mustaqbalka howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, maadaama uu si weyn ugu tiirsan yahay taageerada saadka ee Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in kaddib qiimeyn la sameeyay, Washington ay go’aansatay inay taageerto muddo-kordhin hal sano ah oo loo sameeyo waajibaadka UNSOS iyo AUSSOM.
Ilo diblomaasiyadeed oo shisheeye ah oo ka howlgala Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka Mareykanka, hase yeeshee wuxuu isbeddelka degdegga ah ee siyaasadda Washington ku tilmaamay mid aan la fileyn.
Diblomaasigan, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Mareykanku uusan fursaddan u adeegsan cadaadis siyaasadeed oo lagu dhiirrigeliyo dowladda Soomaaliya inay xalliso khilaafaadka gudaha, isla markaana ay dardargeliso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Go’aanka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.
Toddobaadkii hore, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, xilli ay soo dhowaanaysay go’aan laga filayay maxkamadda oo la xiriiray muranka muddo-kordhinta xilka Madaxweynaha. Tallaabadaasi ayaa dhalisay muran siyaasadeed iyo iska horimaadyo dhexmaray dowladda, mucaaradka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u riixay qorsheyaal la xiriira hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, balse wax-ka-beddellada dastuurka ee la ansixiyay bishii Maarso ayaa dhaliyay khilaaf xooggan, gaar ahaan qodobada la xiriira muddada xil-haynta hay’adaha dowladda.
Dhanka amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa wajahaya caqabado, iyadoo kooxda ay sii waddo weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa taageera. Bishii hore ayay kooxda sheegatay inay dishay boqolaal askari oo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya, weerar gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, inkastoo dowladda Soomaaliya aysan xaqiijin tirada khasaaraha ay kooxdu sheegatay.
Sidoo kale, Uganda oo ka mid ah dalalka ugu badan ee ciidamada ku biiriya howlgalka AUSSOM ayaa horay u sheegtay inay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya dhammaadka sannadka 2027, arrintaas oo sii kordhisay walaaca laga qabo mustaqbalka taageerada amni ee caalamiga ah.
Mareykanka ayaa tan iyo sannadkii 2007 ku dhowaad laba bilyan oo doollar ku bixiyay taageerada howlgalada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, halka in ka badan 1.6 bilyan oo doollar uu ku taageeray ciidamada Afrikaanka ah ee dalka loo soo diray.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay muddo hal sano ah dib u cusbooneysiiso taageerada milatari ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay muddo hal sano ah dib u cusbooneysiiso taageerada milatari ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM)
- Mareykanka ayaa horay u shaaciyay inuu joojinayo maalgelinta xafiiska UNSOS, isaga oo sidoo kale qorsheeyay in xafiiska gebi ahaanba la xiro dhammaadka sannadka 2027.
- Go’aanka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.
- Uganda oo ka mid ah dalalka ugu badan ee ciidamada ku biiriya howlgalka AUSSOM ayaa horay u sheegtay inay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya dhammaadka sannadka 2027.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda Soomaaliya ama dhinacyada kale.
Gunaanadka akhristaha
Mareykanka ayaa dib u eegay go'aankiisa ah in la joojiyo maalgelinta taageerada milatari ee Soomaaliya, isagoo kordhinaya muddo hal sano ah iyadoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo socda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddelada gaarka ah ee sababay in Mareykanku dib u eego go'aankiisa maalgelinta?
- Sidee ayay kordhinta taageerada u saameyn doontaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhalanaya qorshaha Uganda ee ah inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddelka mowqifka Mareykanka ee ku aaddan taageerada milatari ee Soomaaliya, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida howlgalada socda iyo xaaladda siyaasadeed.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · dib · sano