Maxaa ka cusub xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta?…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDoorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee Maamul-goboleedka HirShabelle ayaa si rasmi ah uga bilowday maanta Beledweyne.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Shacabka Beledweyne ayaa saaka safaf dhaadheer u galay inay codadkooda dhibtaan, si ay usoo doortaan xildhibaannada ku matalaya dowladda cusub ee HirShabelle, iyadoo meesha ka baxday cabsidii laga qabay inay rabshado ka dhacaan magaaladaas, maadaamo ay ku sugan yihiin dhinacyo mucaarad ah.
- Doorashada ka dhacday Beledweyne waxaa sidoo kale ka qayb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo musharraxa Madaxweyne ku xageenka HirShabelle ee ay wadato Villa Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax oo shalay ka degay magaaladaasi.
- Afrax oo codkiisa dhiibtay ayaa ka hadlay doorashadan, wuxuuna boggaadiyay, sida ay uga qayb-galeen reer Hiiraan, isaga oo tilmaamay in taariikh cusub ay dhigeen, ayna ku ciil baxeen codkooda.
- “Waa soo codeeyay waxaan kasoo codeeyay saldhig galbeed meesha aan joogno waa xaafadda Kooshin oo ah meeshii aan ku dhashay runtii waxaan u mahadcelinayaa dadweynaha isku soo baxay ee codadkooda dhiibtay, waxaan kaloo u mahadcelinayaa maamulka gobolka Hiiraan iyo Maayarka Beledweyne,” ayuu yiri musharrax Cabdifitaax Xasan Afrax.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaaday si loo hubiyo amniga codbixiyayaasha inta lagu jiro doorashooyinka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xaaladda guud ay tahay mid deggan.
- Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax oo musharrax Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ah ayaa ka qayb-galay doorashada wuxuuna u mahadceliyay dadka codkooda dhiibtay.
- cabsidii laga qabay inay rabshado ka dhacaan magaaladaas, maadaamo ay ku sugan yihiin dhinacyo mucaarad ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee Maamul-goboleedka HirShabelle, iyadoo xaaladda guud ay tahay mid deggan.
Shacabka Beledweyne ayaa saaka safaf dhaadheer u galay inay codadkooda dhibtaan, si ay usoo doortaan xildhibaannada ku matalaya dowladda cusub ee HirShabelle, iyadoo meesha ka baxday cabsidii laga qabay inay rabshado ka dhacaan magaaladaas, maadaamo ay ku sugan yihiin dhinacyo mucaarad ah.
Doorashada ka dhacday Beledweyne waxaa sidoo kale ka qayb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo musharraxa Madaxweyne ku xageenka HirShabelle ee ay wadato Villa Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax oo shalay ka degay magaaladaasi.
Afrax oo codkiisa dhiibtay ayaa ka hadlay doorashadan, wuxuuna boggaadiyay, sida ay uga qayb-galeen reer Hiiraan, isaga oo tilmaamay in taariikh cusub ay dhigeen, ayna ku ciil baxeen codkooda.
“Waa soo codeeyay waxaan kasoo codeeyay saldhig galbeed meesha aan joogno waa xaafadda Kooshin oo ah meeshii aan ku dhashay runtii waxaan u mahadcelinayaa dadweynaha isku soo baxay ee codadkooda dhiibtay, waxaan kaloo u mahadcelinayaa maamulka gobolka Hiiraan iyo Maayarka Beledweyne,” ayuu yiri musharrax Cabdifitaax Xasan Afrax.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Waa taariikh sameysmeysa waxaana rajeyneynaa in ummadda Soomaaliyeed sida ay u dhaqaaqay inay ahaato, safafka waa dheer yihiin sida ay noogu bilaabatay oo nabadda ah Ilaahey ha innoogu soo gabagabeeyo doorashada”.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in ugu dambeyn ay Villa Soomaaliya ku adkaatay loollankii ka socday magaalada Beledweyne, halkaas oo maalmahan ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadeen siyaasiyiin kasoo horjeeda qorshaha madaxtooyada ee ku aadan HirShabelle.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan si weyn isha loogu wada hayo doorashooyinka ka bilowday HirShabelle iyo Galmudug oo saaka loo wada dareeray magaalooyinka waa wayn ee labadaas maamul.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee Maamul-goboleedka HirShabelle ayaa si rasmi ah uga bilowday maanta Beledweyne. Xaaladda guud ay tahay mid deggan inta lagu jiro doorashooyinka.
Qodobada muhiimka ah
- Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee Maamul-goboleedka HirShabelle ayaa si rasmi ah uga bilowday maanta Beledweyne.
- Xaaladda guud ay tahay mid deggan.
- Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax oo musharrax Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ah ayaa ka qayb-galay doorashada wuxuuna u mahadceliyay dadka codkooda dhiibtay.
- cabsidii laga qabay inay rabshado ka dhacaan magaaladaas, maadaamo ay ku sugan yihiin dhinacyo mucaarad ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan degganaanshaha xaaladda.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid dhinacyada siyaasadeed ee mucaaradka ah.
- Eedeymaha ku saabsan maqnaanshaha rabshadaha ma ahan kuwo la xaqiijiyay.
Gunaanadka akhristaha
Doorashooyinka Beledweyne ayaa socda iyadoo la sheegay in xaalad deggan ay jirto, hase yeeshee walaacyada ku saabsan rabshadaha ayaa la xusay.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaaday si loo hubiyo amniga codbixiyayaasha inta lagu jiro doorashooyinka?
- Sidee ayey natiijooyinka doorashadan u saameyn doonaan xaaladda siyaasadeed ee HirShabelle?
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaaday si loo xalliyo walaacyadii hore ee ku saabsan rabshadaha?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xaaladda · cusub · beledweyne
Sii akhri
- Xog: Villa Soomaaliya oo ku adkaatay loollankii Beledweyne iyo musharraxa JSP oo.
Caasimada Online
- Shacabka magaalada Jalalaqsi oo si weyn ugu soo baxay doorashada Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka
Goobjoog Somali
- Madaxweyne Cali Guudlaawe oo shacabka ugu baaqay inay si weyn uga qeyb qaataan doorashada
Goobjoog Somali