Maxkamadda Kenya oo amartay in baasaboorka loo celiyo xildhibaan C/raxmaan Shariif
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiMaxkamadda Sare ee Kenya ayaa amartay in dowladda dalkaas ay 24 saac gudahood dib ugu soo celiso baasaboorka Xildhibaan Cabdiraxmaan Bashiir Shariif ka dib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha sababo la xiriira su’aalo ku saabsan jinsiyaddiisa.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Xildhibaanka ayaa Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA).
- Cabdiraxmaan ayaa markii dambe loo masaafuriyay Muqdisho, iyadoo laga qaaday baasaboorkiisa.
- Dacwadda uu xildhibaanku gudbiyay wuxuu ku sheegay inuu yahay muwaadin Kenyan ah, isla markaana uu dhalashada dalkaas ku helay waalidkiis oo labaduba kasoo jeeda Gaarisa, uuna halkaas ku dhashay.
- Wuxuu sidoo kale maxkamadda u sheegay inuu sharci ahaan xaq u leeyahay inuu haysto jinsiyad kale, isagoo tixraacay qodobka 16-aad ee dastuurka Kenya oo ogolaanaya.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin doodaha sharciga ah ee gaarka ah ee maxkamaddu tixgelisay go'aankeeda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa amartay in dowladda dalkaas ay 24 saac gudahood dib ugu soo celiso baasaboorka Xildhibaan Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.
- Cabdiraxmaan ayaa 14-kii August lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport.
- Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu yahay muwaadin Kenyan ah, isla markaana uu dhalashada dalkaas ku helay waalidkiis.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa dowladda dalkaas ku amartay inay muddo 24 saac gudahood ah dib ugu soo celiso baasaboorkiisa Xildhibaan Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.
Xildhibaanka ayaa Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA). Cabdiraxmaan ayaa 14-kii August lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport, xilligaas oo saraakiisha socdaalka ay diideen inuu gudaha u galo Nairobi kadib markii ay su’aalo ka keeneen jinsiyadaha Soomaaliya iyo Kenya ee uu haysto.
Cabdiraxmaan ayaa markii dambe loo masaafuriyay Muqdisho, iyadoo laga qaaday baasaboorkiisa. Xildhibaanka ayaa arrintaas u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Kenya, isagoo ka horyimid tallaabadii lagu qaaday iyo su’aalaha laga keenay dhalashadiisa Kenya.
Dacwadda uu xildhibaanku gudbiyay wuxuu ku sheegay inuu yahay muwaadin Kenyan ah, isla markaana uu dhalashada dalkaas ku helay waalidkiis oo labaduba kasoo jeeda Gaarisa, uuna halkaas ku dhashay.
Wuxuu sidoo kale maxkamadda u sheegay inuu sharci ahaan xaq u leeyahay inuu haysto jinsiyad kale, isagoo tixraacay qodobka 16-aad ee dastuurka Kenya oo ogolaanaya.
Dhinaca kale, waxaa la sheegay in xogta shakhsiga ah ee ku qoran labada baasaboor ay is waafaqayaan, oo ay kamid yihiin magaca, taariikhda dhalashada iyo goobta uu ku dhashay.
Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale sheegay inuu si waafaqsan sharciga Kenya hore ugu gudbiyay dowladda dalkaas xogta ku saabsan qaadashada jinsiyad labaad.
Qodobkaas ayaa si weyn u xoojiyay dooddiisa maxkamadda Kenya, iyadoo arrintaas ay ugu dambeyn keentay inuu ku guuleysto dacwaddiisa, ayna amar kasoo saarto Maxkamadda Sare ee Kenya.
Xildhibaanka ayaa hore u soo noqday Safiir ku-xigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, sidoo kalena wuxuu xil sare uga soo qabtay xarunta Bangiga Adduunka ee Washington, isagoo metelaya Soomaaliya.
Kiiska Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin Soomaali ah oo haysta dhalashada Kenya ay hore dhibaatooyin kala kulmeen gelitaanka dalkaas. Xildhibaanka ayaa sidaasna ku noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dacwad maxkamadeed ku difaacda dhalashadiisa Kenya.
Si kastaba, muddooyinkii dambe waxaa soo badanayay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee laga hor istaago gelitaanka dalka Kenya, kuwaas oo dib loogu celiyay Soomaaliya kadib markii la isku khilaafay xaaladdooda dhalasho.
Waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Jibriil Cabdirashiid oo isagu dib u celiyay baasaboorkiisa Kenya, kadib markii laga hor istaagay inuu galo dalkaas.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa amartay in dowladda dalkaas ay 24 saac gudahood dib ugu soo celiso baasaboorka Xildhibaan Cabdiraxmaan Bashiir Shariif ka dib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha sababo la xiriira su’aalo ku saabsan jinsiyaddiisa.
Qodobada muhiimka ah
- Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa amartay in dowladda dalkaas ay 24 saac gudahood dib ugu soo celiso baasaboorka Xildhibaan Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.
- Cabdiraxmaan ayaa 14-kii August lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport.
- Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu yahay muwaadin Kenyan ah, isla markaana uu dhalashada dalkaas ku helay waalidkiis.
- Xildhibaanka ayaa sidaasna ku noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dacwad maxkamadeed ku difaacda dhalashadiisa Kenya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda Kenya ee ku saabsan go'aanka maxkamadda.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay sheegashooyinka Cabdiraxmaan ee ku saabsan jinsiyaddiisa iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan saamaynta ballaaran ee go'aanka maxkamadda.
Gunaanadka akhristaha
Go'aanka maxkamaddu wuxuu muujinayaa dhibaatooyinka socda ee ku saabsan jinsiyadda iyo gelitaanka mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee Kenya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin doodaha sharciga ah ee gaarka ah ee maxkamaddu tixgelisay go'aankeeda?
- Sidee bay go'aankan u saameyn doonaa mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee leh dhibaatooyin jinsiyadeed oo Kenyan ah?
- Maxay yihiin tallaabooyinka dowladda Kenya ay qaadi doonto ka dib go'aanka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · amartay · kenya