Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay codsi ka yimid Khalid Sheikh Mohammed
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMaxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diidday codsi ka yimid Khalid Sheikh Mohammed oo ku saabsan dib u eegis kiiska heshiis ciqaabta dilka ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayHeshiiskii dambiga lagu qiranayay ee buuqa dhaliyay Heshiiska dambiga lagu qiranayay ee dhexmaray dacwad-oogayaasha iyo eedeysanayaasha — Khalid Sheikh Mohammed, Mustafa al-Hawsawi iyo Walid bin ‘Atash — ayaa markii hore waxaa saxiixay sarkaalkii dowladda u qaabilsanaa maxkamadda milatariga ee Guantanamo, balse arrintaas ayaa dhalisay caradii ugu xoogganayd oo kaga timid sharci-dejiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga iyo qaar ka mid ah qoysaska dhibanayaasha.
- Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa diiday racfaanka ay soo gudbiyeen Khaalid iyo laba eedeysane oo kale, kuwaas oo ka soo horjeeday go’aan ay maxkamad hoose ku taageertay tallaabadii uu Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin, ku laalay heshiiskii la gaaray sannadkii 2024-kii.
- Maxkamadda Racfaanka ee Washington (DC Circuit) ayaa horay u diidday doodda qareennada ee ahayd in Austin uu daahay markii uu heshiiska burinayay, iyadoo sheegtay inuu awood buuxda u lahaa tallaabadaas.
- Go’aankan cusub ee Maxkamadda Sare ayaa waddada u xaaraya in maxkamad milateri lagu qaado eedeysanayaashan ku xiran xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba, kiiskaas oo muddo labaatan sano ka badan ku xayirnaa is-mari-waa sharciyeed.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan talaabooyinka xiga ee kooxda qareennada Khaalid Sheikh Mohammed?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Go'aanka Maxkamadda Sare ayaa waddada u xaaraya in maxkamad milateri lagu qaado eedeysanayaashan ku xiran xabsiga Guantanamo Bay.
- Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda.
- Khalid Sheikh Mohammed ayaa weli ah maxbuuska ugu caansan xabsiga Guantanamo Bay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) — Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa Isniintii diidday inay dib u eegis ku sameyso dacwad uu u soo gudbiyay Khalid Sheikh Mohammed — ninka lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarradii 11-kii Sebtembar 2001 — kaas oo doonayay in dib loo soo nooleeyo heshiis lagu baajinayay ciqaabta dilka ah oo lagu beddelayay inuu qirto dambiga.
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa diiday racfaanka ay soo gudbiyeen Khaalid iyo laba eedeysane oo kale, kuwaas oo ka soo horjeeday go’aan ay maxkamad hoose ku taageertay tallaabadii uu Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin, ku laalay heshiiskii la gaaray sannadkii 2024-kii.
Maxkamadda Racfaanka ee Washington (DC Circuit) ayaa horay u diidday doodda qareennada ee ahayd in Austin uu daahay markii uu heshiiska burinayay, iyadoo sheegtay inuu awood buuxda u lahaa tallaabadaas.
Go’aankan cusub ee Maxkamadda Sare ayaa waddada u xaaraya in maxkamad milateri lagu qaado eedeysanayaashan ku xiran xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba, kiiskaas oo muddo labaatan sano ka badan ku xayirnaa is-mari-waa sharciyeed.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda.
“Go’aankani wuxuu waddada u furayaa in lala xisaabtamo dadkii ka dambeeyay weerarradii 11-kii Sebtembar. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xaqiijinta caddaaladda dhibanayaashii iyo qoysaskii ku waxyeelloobay mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa taariikhda Mareykanka,” ayuu yiri.
Bishii Ogosto ee la soo dhaafay, garsoore ka tirsan Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa muddeeyay in maxkamadeynta rasmiga ah ee Khalid Sheikh Mohammed iyo eedeysanayaasha kale ay bilaabanto bisha Juun ee sannadka 2028-ka.
Heshiiskii dambiga lagu qiranayay ee buuqa dhaliyay
Heshiiska dambiga lagu qiranayay ee dhexmaray dacwad-oogayaasha iyo eedeysanayaasha — Khalid Sheikh Mohammed, Mustafa al-Hawsawi iyo Walid bin ‘Atash — ayaa markii hore waxaa saxiixay sarkaalkii dowladda u qaabilsanaa maxkamadda milatariga ee Guantanamo, balse arrintaas ayaa dhalisay caradii ugu xoogganayd oo kaga timid sharci-dejiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga iyo qaar ka mid ah qoysaska dhibanayaasha.
Laba maalmood kaddib, Lloyd Austin ayaa si degdeg ah u baabi’iyay heshiiskaas. Inkasta oo garsoore milateri uu markii hore sheegay in Austin uusan awood u lahayn inuu heshiiska laalo, haddana maxkamadda racfaanka ee Washington ayaa bishii Luulyo 2025 taageertay go’aankii Wasiirka Gaashaandhigga, iyadoo ku doodday in heshiiska la burin karo maadaama dacwadda rasmiga ah aan weli la guda gelin.
Qareennada difaacayay eedeysanayaasha, oo ay ku jiraan ururka u dooda xuquuqda madaniga ah ee ACLU, ayaa ku dooday in go’aankii Austin uu jabiyay shuruucda milatariga, uuna dib u dhigay fursaddii ugu weyneyd ee lagu soo afjari karay kiiska 9/11 muddo rubuc qarni ah kaddib.
Khalid Sheikh Mohammed ayaa weli ah maxbuuska ugu caansan xabsiga Guantanamo Bay, kaas oo Madaxweynihii hore George W. Bush uu furay sannadkii 2002 si loogu hayo ajaanibta looga shakisan yahay argagixisada kaddib weerarradii 9/11 oo ay ku dhinteen ku dhowaad 3,000 oo qof.
Khaalid ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheeyay afduubkii diyaaradihii lagu dhuftay xaruntii ganacsiga adduunka ee Twin Towers iyo dhismaha gaashaandhigga ee Pentagon-ka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diidday codsi ka yimid Khalid Sheikh Mohammed oo ku saabsan dib u eegis kiiska heshiis ciqaabta dilka ah. Go'aankan ayaa u oggolaanaya in maxkamad milateri lagu qaado eedeysanayaasha ku xiran xabsiga Guantanamo Bay.
Qodobada muhiimka ah
- Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diidday codsi ka yimid Khalid Sheikh Mohammed oo ku saabsan dib u eegis kiiska heshiis ciqaabta dilka ah.
- Go'aanka Maxkamadda Sare ayaa waddada u xaaraya in maxkamad milateri lagu qaado eedeysanayaashan ku xiran xabsiga Guantanamo Bay.
- Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda.
- Khalid Sheikh Mohammed ayaa weli ah maxbuuska ugu caansan xabsiga Guantanamo Bay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Khaalid Sheikh Mohammed ama kooxdiisa qareennada.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan saamaynta go'aanka maxkamadda Sare marka laga reebo waxa la weriyay.
Gunaanadka akhristaha
Diidmada Maxkamadda Sare ee codsiga Khaalid Sheikh Mohammed waxay calaamad u tahay dhacdo muhiim ah oo ku saabsan sharciga la xiriira weerarradii 9/11.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan talaabooyinka xiga ee kooxda qareennada Khaalid Sheikh Mohammed?
- Sidee bay go'aankan u saameyn doonaa eedeysanayaasha kale ee ku xiran Guantanamo Bay?
- Waa maxay saamaynta suurtagalka ah ee go'aankan ku yeelan karto heerarka sharciga ee Mareykanka ee ku saabsan maxkamadaha milateriga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sare · sheikh · mohammed