Mucaaradka oo ka horyimid tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashada
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMucaaradka ayaa ka horyimid jadwalka doorashada ee uu shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, kaas oo ka kooban taariikho doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaaray“Tan iyo markii la ansixiyey, madaxweynuhuna saxiixay afartii cutub ee ugu horreeyey ee Dastuurka Qaranka, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay wadday dadaallo lagu xaqiijinayo dhaqan-gelintiisa, iyadoo la meel mariyey xeerarkii iyo hay’adihii lagama maarmaanka u ahaa hirgelinta doorashooyinka.
- “Guddigu waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa arrimahan soo socda: In Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabanayo (15-April-2027), si waafaqsan qodobka 18-aad faqradiisa 2-aad ee sharciga Doorashooyinka Qaranka oo sheegaya in la cayimo taariikhda doorashada 180 maalin ka hor maalinta codbixinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.
- Sidoo kale, waxaa lasii raaciyay “In Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhacdo (15-May-2027), si waafaqsan qodobka 112-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee sheegaya in muddada xil-haynta Madaxweynuhu tahay shan (5) sano oo ka bilaabanaysa maalinta xilka loo dhaariyo”.
- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka horyimid jadwalka, wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay wadaan boob doorasho iyo awood sheegasho, sida uu hadaka u dhigay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee mucaaradka qaadi doono si ay uga jawaabaan jadwalka doorashada?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Mucaaradka ayaa ka horyimid jadwalka doorashada ee uu shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
- Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 15-ka Abriil 2027.
- Doorashada Madaxweynaha ayaa loo asteeyay 15-ka May 2027.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah xoghayaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray kaga fal-celiyay jadwalka doorashada heer federaal ee uu maanta shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka. Jadwalka ayaa dhigaya in doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhacdo 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.
“Guddigu waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa arrimahan soo socda: In Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabanayo (15-April-2027), si waafaqsan qodobka 18-aad faqradiisa 2-aad ee sharciga Doorashooyinka Qaranka oo sheegaya in la cayimo taariikhda doorashada 180 maalin ka hor maalinta codbixinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, waxaa lasii raaciyay “In Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhacdo (15-May-2027), si waafaqsan qodobka 112-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee sheegaya in muddada xil-haynta Madaxweynuhu tahay shan (5) sano oo ka bilaabanaysa maalinta xilka loo dhaariyo”.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka horyimid jadwalka, wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay wadaan boob doorasho iyo awood sheegasho, sida uu hadaka u dhigay.
“Calool waxay ku bukootay kuma bogsato” Cudurka sababay burburka Soomaaliya wuxuu ka bilaawday doorasho la boobay iyo awoodda dowladnimada oo si qaldan loo adeegsaday. Afartan sano kaddib, Xasan Sh wuxuu doonayaa in isla cudurkii uu daawo ka dhigo mana dhacayso! “Alloow yaa talo maalinteeda qaata,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Aadan Koonfi.
Dhinaca kale, waxaa soo jawaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim oo bogaadiyay tallaabada uu qaaday guddiga doorashada, isagoo tilmaamay in dalka uu aaday doorashooyin qof iyo cod ah.
“Tan iyo markii la ansixiyey, madaxweynuhuna saxiixay afartii cutub ee ugu horreeyey ee Dastuurka Qaranka, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay wadday dadaallo lagu xaqiijinayo dhaqan-gelintiisa, iyadoo la meel mariyey xeerarkii iyo hay’adihii lagama maarmaanka u ahaa hirgelinta doorashooyinka. Doorashooyinka qof iyo cod ee ku dhisan nidaamka axsaabta badan ayaa ka qabsoomay Muqdisho, waxaana hannaanka doorashooyinku ka socdaa dowlad-goboleedyada qaarkood,” ayuu ku jawaabay wasiirku.
Waxaa kale oo kusii daray “Maanta, Soomaaliya waxay u jihaysan tahay doorashooyinka heer federaal ee qof iyo cod, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah dowlad-dhiska, xoojinta dimuqraadiyadda iyo awoodsiinta shacabka. Doorashada qof iyo cod waa xaqaaga iyo mustaqbalka dalkaaga. Isu diyaariya ka-qaybgalka doorashooyinka”.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli uu weli taagan yahay khilaafka ka dhashay hannaanka doorashada dalka, oo ay isku hayaan dowladda dhexe, mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Mucaaradka ayaa ka horyimid jadwalka doorashada ee uu shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, kaas oo ka kooban taariikho doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Qodobada muhiimka ah
- Mucaaradka ayaa ka horyimid jadwalka doorashada ee uu shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
- Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 15-ka Abriil 2027.
- Doorashada Madaxweynaha ayaa loo asteeyay 15-ka May 2027.
- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka horyimid jadwalka, wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay wadaan boob doorasho.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa aragtida mucaaradka mana jiraan jawaabo ka yimid dowladda federaalka.
- Eedeymaha ku saabsan boobka doorashada waxaa ku xiran Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan taariikhaha doorashada.
Gunaanadka akhristaha
Diidmada mucaaradka ee jadwalka doorashada waxay muujinaysaa khilaafaadka socda ee siyaasadda Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee mucaaradka qaadi doono si ay uga jawaabaan jadwalka doorashada?
- Sidee ayay dowladda federaalka uga jawaabi doontaa walaacyada mucaaradka?
- Maxay noqon doontaa saameynta mucaaradkan ku yeelan doonto doorashooyinka soo socda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mucaaradka · guddiga · doorashada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada