Operational Update: Baidoa communities bear the cost of renewed fighting as El Niño looms
Waxa dhacay
Hal il · Hiiraanweyn
Dagaaladii dhowaan ka dhacay gudaha iyo hareeraha Baydhabo ayaa ku barakacay in ka badan 18,000 oo qof, iyadoo xaaladaha banii'aadannimo ay sii xumaanayaan iyadoo El Niño soo socdo.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayBarakaca baahsan, cunto-yari, iyo helista daryeelka caafimaadka oo xadidan sababo la xiriira gargaarka la dhimay taas oo sahashay in xaruumaha caafimaadku xirmaan, roobabka la filayey ayaa culayso kale ku keeni kara qoysaska hore ula daala-dhacayey nolosha.
- Gobolada Baay iyo Bakool waxay ka mid yihiin kuwa wajahaya xaaladaha ugu daran gudaha Soomaaliya gaar ahaan marka laga hadlaayo cunto-yarida.
- Gudigga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa ka barbar shaqaynaysa Ururka Bisha Cas eeSoomaaliyeed si ay taageero u gaarsiiyaan bulshooyinka ay saamayntu .
- Colaadda iyo amni-darada waa sababaha ugu weyn ee keenay barakaca gobolka Baay sanadkan.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa saameynta daran ee banii'aadannimo ee dagaaladii soo cusboonaaday ee Baydhabo, gaar ahaan iyadoo bulshooyinka ay wajahaan caqabado dheeraad ah oo ka dhashay fatahadaha suurtagalka ah ee El Niño.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo xalliyo dhibaatada banii'aadannimo ee Baydhabo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- In ka badan 18,000 oo qof ayaa ku barakacay dagaaladii dhowaan ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhabo.
- 527 qof oo ah kuwa ku dhaawacmay dagaalada ayaa kooxaha mutadawiciinta caafimaadka ee Bisha Cas u daad-gureeyay isbitaalada ugu dhow.
- Gudigga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa ka barbar shaqaynaysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed si ay taageero u gaarsiiyaan bulshooyinka ay saamayntu.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (ICRC) :Dagaaladii dhowaan ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhabo ee dhacda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ku barakacay in ka badan 18,000 oo qof¹. Bulshada oo ku qasbanaaday in ay ka qaxaan guryahooda iyagoo raadinaya goobo ammaan ah ayaa hada wajahaya culaysyo kale oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin roobab culus iyo khatarta ka dhalan karta fatahadaha ay sababto El Nino.
Gobolada Baay iyo Bakool waxay ka mid yihiin kuwa wajahaya xaaladaha ugu daran gudaha Soomaaliya gaar ahaan marka laga hadlaayo cunto-yarida. Dagaalada socda oo sii kordhay tan iyo Bisha Maarso ayaa halis sii gelinaya xaaladda sii xumaanaysa ee bulshada weli ka soo kabaanaysa saamayntii abaaraha.
Barakaca baahsan, cunto-yari, iyo helista daryeelka caafimaadka oo xadidan sababo la xiriira gargaarka la dhimay taas oo sahashay in xaruumaha caafimaadku xirmaan, roobabka la filayey ayaa culayso kale ku keeni kara qoysaska hore ula daala-dhacayey nolosha.
Gudigga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa ka barbar shaqaynaysa Ururka Bisha Cas eeSoomaaliyeed si ay taageero u gaarsiiyaan bulshooyinka ay saamayntu . Ilaa iyo hada, 527 qof oo ah kuwa ku dhaawacmay dagaalada ayaa kooxaha mutadawiciinta caafimaadka ee Bisha Cas u daad-gureeyay isbitaalada ugu dhow.
Colaadda iyo amni-darada waa sababaha ugu weyn ee keenay barakaca gobolka Baay sanadkan. Intii u dhexaysey Luuliyo iyo Sibteembar, waxay dagaalada soo cusboonaaday guryahooda ka qixiyeen kumannaan, taas oo u dhiganta ku dhawaad nus dadka ay colaaduhu barakiciyeen guud ahaan Soomaaliya isla mudadaas. Baaxadda iyo heerka dagaalka ayaa gaar ahaan ahaa mid mid walaac leh, iyadoo magaalooyinka gobolka Baay ay la kulmeen rabshado aysan arkin sannadihii u dambeeyey.
‘Baydhabo waxay noqotay magaalo cidlo ah. Qoysaska ayaa barakacay ayagoo naftooda u baqaya. Wadooyinka ayaa cidlo ahaa ayadoo la arki karey guryo ay ku dhaceen hoobiyaal’ Mayow Maxamed oo ah Madaxa Xafiiska ICRC ee Baydhabo, ayaa sidaas yiri kadib dagaalkii dhacay Bisha Sibteembar.
Deegaannada Koonfur Galbeed ayaa wajahaya xaalad banii’aadinnimo oo sii xumaanaysa. Gobolka Baay keliya wuxuu marti-gelinayaa in ka badan nus malyuun barakacayaal ah², wax ku dhow 26,000 ka mid ah oo Baydhabo ku sugan waxay wajihi karaan cunto-yari daran ilaa iyo dhamaadka bisha Diseembar sida ay sheegtay IPC. Integrated Food Security and Phase Classification .
Laanqayrta Cas waxay dhinacyada ugu baaqaysaa in ay taxadar muujiyaan si loo ilaaliyo rayidka. Sidoo kale waxay ku boorinaysaa in loo ogolaado kuwa dhawaaca ah in isbitaalada la gaarsiiyo, in la dhawro shaqaalaha caafimaadka iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah,, isla markaasna aan la weerarin guryaha iyo goobaha barakacayaashu deganyihiin.
Ilaa iyo hada, ICRC iyo Bisha Cas waxay baahiyaha banii’aadinnimo ee bulshada ugu jawaab celiyeen sida soo socota:
Taageero caafimaad: in ka badan 500 oo dhawaac ah ayaa kooxaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ay gaarsiiyeen Isbitaalka Guud ee gobolka Baay.
Deeq Daawo ah: Daawooyinka la gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Baay ayaa suurtogeliyay daaweynta in ka badan 160 bukaan, halka daawooyin kale oo dheeraad ah oo la geeyey Isbitaalka Bayhaw ay caawiyeen daawaynta 65 bukaan.
Gargaarka deg-degga ah: wax ku dhow 150 qof ayaa kooxaha Bisha Cas ka helay gargaar deg-deg ah.
Booqashada xabsiyada: kooxaha ICRC ayaa booqday maxabiista Xabsiga Dhexe ee Baydhabo kuwaas oo u xiran sababo la xiriira dagaalka.
Kaalmo lacageed: Ku dhowaad 2,000 barakacayaal ku sugan Awdiinle ayaa la siiyey kaalmo lacageed si looga caawiyo in ay qoysasku iibsadaan waxyaabaha aasaasiga ah sida cunto.
Dib u xiriirka Qoysaska : in kabadan 4,000 oo wicitaan ayaa loo sameeyey dadka ay colaaduhu barakiciyeen ee raadinaya ehelkooda.
Ixtiraam u maaraynta meydadka : 27 ka qayb-galayaal ah oo ka kala socday qaybaha caafimaadka oo ay ku
jiraan shaqaalaha Bisha Cas ayaa lagu tababaray maaraynta meydadka.
Tababarka Sharciga Caalamiga ah ee Aadami’nimada: 300 oo hub-sanayaal ah oo kala jooga Baydhabo iyo Xuddur ayaa lagu tababaray mabaadi’da Sharciga Caalamiga ah ee Aadaminimada.
U diyaar-garowga fataahadaha : (Weli wey socotaa)
10,500 oo kiishas carro ka buuxda ah ayaa loo qaybiyey xaruumaha Caafimaadka Bisha Cas ee Berdaale, Xuddur iyo Waajid.
Agabyo gargaar sida darbaalo, maryo-kaneeco iyo alaabaha nadaafadda ayaa la sii diyaariyey, halka qaar ka mid ah laga qaybiyey Xabsiga Dhexe ee Baydhabo.
14 goobo biyood ayaa loo dhisay hab looga ilaalinayo saamaynta biyaha fatadahaadda iyo roobabka culus ee la filayo. si looga gaashanto saameynta roobabka culus ee la filaayo.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaaladii dhowaan ka dhacay gudaha iyo hareeraha Baydhabo ayaa ku barakacay in ka badan 18,000 oo qof, iyadoo xaaladaha banii'aadannimo ay sii xumaanayaan iyadoo El Niño soo socdo.
Qodobada muhiimka ah
- In ka badan 18,000 oo qof ayaa ku barakacay dagaaladii dhowaan ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhabo.
- 527 qof oo ah kuwa ku dhaawacmay dagaalada ayaa kooxaha mutadawiciinta caafimaadka ee Bisha Cas u daad-gureeyay isbitaalada ugu dhow.
- Gudigga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa ka barbar shaqaynaysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed si ay taageero u gaarsiiyaan bulshooyinka ay saamayntu.
- Gobolka Baay keliya wuxuu marti-gelinayaa in ka badan nus malyuun barakacayaal ah², wax ku dhow 26,000 ka mid ah oo Baydhabo ku sugan waxay wajihi karaan cunto-yari daran ilaa iyo dhamaadka bisha Diseembar sida ay sheegtay IPC.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada barakacayaasha.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada ku lugta leh dagaalka.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixinno ka yimid Gudiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Baydhabo waa mid aad u daran, iyadoo kumanaan barakacayaal ah ay wajahayaan cunto-yarida iyo colaadda socda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo xalliyo dhibaatada banii'aadannimo ee Baydhabo?
- Sidee ayay maamulka deegaanka uga jawaabayaan colaadda socda?
- Maxay yihiin xalalka muddada dheer ee la tixgelinayo si looga hortago barakaca dambe?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa saameynta daran ee banii'aadannimo ee dagaaladii soo cusboonaaday ee Baydhabo, gaar ahaan iyadoo bulshooyinka ay wajahaan caqabado dheeraad ah oo ka dhashay fatahadaha suurtagalka ah ee El Niño.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · baidoa · looms