Puntland oo soo furatay markab kale kadib dagaal culus oo dhacay
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCiidamada Puntland ayaa howlgal ku qaaday si ay u soo furtaan markabka Honour 25 oo burcad-badeeddu haysteen, taasoo keentay iska horimaad sababay dhaawacyo labada dhinac.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Howl-galka ayaa isku beddelay iska horimaad dhexmaray ciidamada PMPF iyo kooxaha burcad-badeedda, kaasi oo sababay dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac.
- Kadib dagaalka, ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay inay soo furtaan markabka, iyadoo kooxda burcad-badeedda lagala wareegay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada fuliyay howlgalka.
- Markabkan ayaa kamid noqonaya maraakiibta ay kooxaha burcad-badeeddu afduubka u haysteen, kuwaas oo toddobaadkan ciidamada Puntland ay howl-gallo uga soo furteen, iyadoo iska horimaadyadii dhacay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac, halka sidoo kale la xiray qaar kamid ah burcad-badeedda.
- Howl-galka Honour 25 ayaa noqonaya kii labaad ee muddooyinkii dambe ay ciidamada PMPF ku beegsadaan burcad-badeedda, iyagoo awood u yeeshay inay soo furtaan markab ay kooxahaasi haysteen muddo toddobaad ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay dhaawacyada gaarka ah ee la soo sheegay inta lagu guda jiray iska horimaadka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Puntland ayaa si guul leh u soo furay markabka Honour 25 kadib iska horimaad.
- Howl-galka ayaa sababay dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac.
- Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa howlgal ka dhan ah burcad-badeedda ku qaaday.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa howlgal ka dhan ah burcad-badeedda ku qaaday kooxo gacanta ku hayay markabka Honour 25, kaas oo la sheegay inuu u rarnaa ganacsato reer Puntland.
Howl-galka ayaa isku beddelay iska horimaad dhexmaray ciidamada PMPF iyo kooxaha burcad-badeedda, kaasi oo sababay dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac.
Kadib dagaalka, ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay inay soo furtaan markabka, iyadoo kooxda burcad-badeedda lagala wareegay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada fuliyay howlgalka.
Markabkan ayaa kamid noqonaya maraakiibta ay kooxaha burcad-badeeddu afduubka u haysteen, kuwaas oo toddobaadkan ciidamada Puntland ay howl-gallo uga soo furteen, iyadoo iska horimaadyadii dhacay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac, halka sidoo kale la xiray qaar kamid ah burcad-badeedda.
Howl-galka Honour 25 ayaa noqonaya kii labaad ee muddooyinkii dambe ay ciidamada PMPF ku beegsadaan burcad-badeedda, iyagoo awood u yeeshay inay soo furtaan markab ay kooxahaasi haysteen muddo toddobaad ah.
Soo furashada markabka ayaa sidoo kale meesha ka saartay dalabyo lacageed oo ay kooxaha burcad-badeeddu ku doonayeen in lagu sii daayo markabka iyo dadka la socday.
Burcad-badeeddu ayaa muddooyinkii dambe wajahayay cadaadis sii kordhaya, iyadoo awooddooda ay hoos u dhacday kadib markii maraakiib ay afduub ku qabsadeen qaarkood si xoog ah looga soo furtay, halka qaar kamid ah kooxihii afduubka geystay la qabtay.
Si kastaba, Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howl-gallada lagu beegsanayo kooxaha burcad-badeedda, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay deegaanadeeda, iyadoo hadafka howl-gallada lagu sheegay in lagu soo afjaro burcad-badeedda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada Puntland ayaa howlgal ku qaaday si ay u soo furtaan markabka Honour 25 oo burcad-badeeddu haysteen, taasoo keentay iska horimaad sababay dhaawacyo labada dhinac.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Puntland ayaa si guul leh u soo furay markabka Honour 25 kadib iska horimaad.
- Howl-galka ayaa sababay dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac.
- Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa howlgal ka dhan ah burcad-badeedda ku qaaday.
- Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howl-gallada lagu beegsanayo kooxaha burcad-badeedda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Lama helin jawaab ka timid burcad-badeedda ama dhinacyada kale ee ku lugta leh.
- Faahfaahinta khasaare iyo dhacdada iska horimaadka lama xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Puntland ayaa si guul leh u soo furatay markab ka tirsan burcad-badeedda waxayna qorsheyneysaa inay sii wado howl-gallada ka dhanka ah burcad-badeedda.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay dhaawacyada gaarka ah ee la soo sheegay inta lagu guda jiray iska horimaadka?
- Immisa burcad-badeed ah ayaa la qabtay inta lagu guda jiray howlgalka?
- Waa maxay tallaabooyinka Puntland qaadi doonto si looga hortago dhacdooyinka burcad-badeedda mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · puntland · soo · dagaal
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada