Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiRa’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhagax-dhigay xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD Muqdisho.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaXaruntan ayaa la filayaa inay door ka qaadato horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada degdegga ah ee ka socda dhinacyada sayniska iyo tiknoolojiyadda.
- Cidda ay saamaysayXamsa Cabdi Barre ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka laga hirgeliyo xarumo waxbarasho oo casri ah, kuwaas oo ardayda siinaya aqoon iyo xirfado wax ku ool ah, kana qeyb qaadanaya horumarinta dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka dalka.
- Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabad kooban ka hadlay kaddib dhagax-dhigga xarunta ayaa sheegay in jaamacadaha iyo hay’adaha waxbarashadu ay yihiin albaabka isbeddelka iyo horumarka bulshada, isaga oo xusay in aqoontu tahay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu dhiso mustaqbalka ummadda.
- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bogaadiyey horumarka Jaamacadda SIMAD iyo dadaallada maamulkeeda ee lagu ballaarinayo fursadaha waxbarashada.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin barnaamijyada gaarka ah ee xarunta cusub ay u fidin doonto ardayda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhagax-dhigay xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD.
- Xarunta ayaa lagu horumarinayo waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo kobcinta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.
- Xamsa Cabdi Barre ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka laga hirgeliyo xarumo waxbarasho oo casri ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD, taas oo lagu horumarinayo waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo kobcinta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabad kooban ka hadlay kaddib dhagax-dhigga xarunta ayaa sheegay in jaamacadaha iyo hay’adaha waxbarashadu ay yihiin albaabka isbeddelka iyo horumarka bulshada, isaga oo xusay in aqoontu tahay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu dhiso mustaqbalka ummadda.
Xamsa Cabdi Barre ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka laga hirgeliyo xarumo waxbarasho oo casri ah, kuwaas oo ardayda siinaya aqoon iyo xirfado wax ku ool ah, kana qeyb qaadanaya horumarinta dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bogaadiyey horumarka Jaamacadda SIMAD iyo dadaallada maamulkeeda ee lagu ballaarinayo fursadaha waxbarashada. Waxa uu sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka uu qeyb ka yahay hirgelinta jaamacado iyo dugsiyo tayo leh oo soo saaraya aqoon iyo xirfado waafaqsan baahiyaha bulshada iyo suuqa shaqada.
“Waxaan bogaadinayaa Jaamacadda SIMAD dadaalka joogtada ah ee ay ugu jirto horumarinta waxbarashada, gaar ahaan Sayniska, Tiknoolojiyadda, Cilmi-baarista, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha casriga ah. Hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed maanta waxa uu baahi u qabaa in ay helaan xarun lagu horumariyo Tiknoolojiyadda iyo Sayniska. Waxaa Alle mahadiis ah in maanta ay soo kordhisay Jaamacadda SIMAD,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo in jaamacaddu sii xoojiso isku xirka aqoonta iyo baahiyaha bulshada, si loo helo jiil Soomaaliyeed oo leh aqoon, karti iyo hal-abuur wax ku biirin kara dhismaha mustaqbalka dalka.
Mashruuca xarunta cusub, oo loo dhisayo qaab casri ah, waxaa iska kaashanaya hay’adda Direct Aid iyo Jaamacadda SIMAD. Waxa uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha waxbarashada sare iyo abuurista jawi ku habboon barashada Sayniska iyo Tiknoolojiyadda.
Xaruntan ayaa la filayaa inay door ka qaadato horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada degdegga ah ee ka socda dhinacyada sayniska iyo tiknoolojiyadda.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay dadaallada hay’adaha amniga iyo shacabka caasimadda ee lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, isaga oo tilmaamay in nabadda iyo xasilloonidu ay muhiim u yihiin kobaca waxbarashada, maalgashiga iyo horumarka guud ee dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhagax-dhigay xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD Muqdisho.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhagax-dhigay xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD.
- Xarunta ayaa lagu horumarinayo waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo kobcinta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.
- Xamsa Cabdi Barre ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka laga hirgeliyo xarumo waxbarasho oo casri ah.
- Mashruuca xarunta cusub, oo loo dhisayo qaab casri ah, waxaa iska kaashanaya hay’adda Direct Aid iyo Jaamacadda SIMAD.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan mashruuca.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta mashruuca laguma bixin.
- Maqaalku ma caddeynayo waqtiga la filayo in xaruntu dhamaato.
Gunaanadka akhristaha
Aasaaska Xarunta Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jaamacadda SIMAD ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo waxbarashada iyo xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin barnaamijyada gaarka ah ee xarunta cusub ay u fidin doonto ardayda?
- Sidee ayaa iskaashiga la leh Direct Aid loo dhisi doonaa?
- Maxay yihiin natiijooyinka la filayo ee xarunta loogu talagalay bulshada deegaanka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xamsa · dhagax · dhigay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashruuca Dib-u-dhiska Iskuulka Taariikhiga ah ee Bartamaha
Shabelle Media
- Ra’iisul Wasaare Xamse Sheegay inuu Kamid ahaa Dadkii ka Badbaaday Qaraxii Soobe
Goobjoog Somali
- 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚-𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚-𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐢𝐤𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐠𝐣𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡
Goobjoog Somali