Sawirro: Cumaan oo 36 sano kadib dib u furtay safaaraddeeda Muqdisho
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCumaan ayaa dib u furtay safaaraddeeda magaalada Muqdisho 36 sano kadib, sida ay werisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayLabada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay rabitaankooda ku aaddan ka qaybgelinta ganacsatada iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha farsamada.
- Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli labada dal ay kordhinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada gaadiidka, isgaarsiinta iyo ganacsiga, iyadoo bishii Sebtembar ay billowdeen duulimaadyo toos ah oo isku xiraya Muscat iyo Muqdisho.
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Oktoobar 2026 ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga safiirka magacaaban ee Cumaan u soo dirtay Soomaaliya, Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri.
- Wasiirka ayaa safiirka ugu hambalyeeyay dib u furista safaaradda, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid si cad u muujineysa kalsoonida xooggan ee dowladda Cumaan ay ku qabto Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin qorshayaasha gaarka ah ee ka dhalan doona dib u furista safaaradda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Cumaan ayaa dib u furtay safaaraddeeda magaalada Muqdisho 36 sano kadib.
- Dib u furista safaaradda ayaa muujineysa kalsoonida xooggan ee dowladda Cumaan ay ku qabto Soomaaliya.
- Labada dal ay kordhinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada gaadiidka, isgaarsiinta iyo ganacsiga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Saldanadda Cumaan ayaa dib u furtay safaaraddeeda magaalada Muqdisho 36 sano kadib, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli labada dal ay kordhinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada gaadiidka, isgaarsiinta iyo ganacsiga, iyadoo bishii Sebtembar ay billowdeen duulimaadyo toos ah oo isku xiraya Muscat iyo Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Oktoobar 2026 ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga safiirka magacaaban ee Cumaan u soo dirtay Soomaaliya, Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri.
Wasiirka ayaa safiirka ugu hambalyeeyay dib u furista safaaradda, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid si cad u muujineysa kalsoonida xooggan ee dowladda Cumaan ay ku qabto Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay safiirka cusub, wuxuuna u ballanqaaday in wasaaraddu ay si buuxda uga taageeri doonto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.
Cabdisalaan ayaa dowladda Cumaan uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u muujiso madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa iyaduna sheegtay in kulanka lagu eegay xiriirka labada dal, lagana wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyo kala duwan oo u adeegaya danahooda wadajirka ah.
Taageerada midnimada Soomaaliya
Dib u furista safaaradda ayaa daba socota xiriirro heer wasiir ah oo labada dhinac ay yeesheen sanadkan. Wasiir Cabdisalaan ayaa 25-kii Abriil booqasho rasmi ah ku tagay Cumaan, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Badar Al-Busaidi.
Labada wasiir ayaa markaas ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo horumarka.
Kulankaas, Al-Busaidi ayaa ku celiyay mowqifka Cumaan ee taageeraya midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa sidoo kale sheegtay in dalku uusan aqoonsaneyn maamullo ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliya.
Dhiniciisa, wasiirka Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka diblomaasiyadeed ee Cumaan iyo dadaalladeeda lagu taageerayo xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo wada-hadalka.
Soomaaliya ayaa iyaduna safaarad ku leh caasimadda Cumaan ee Muscat, taas oo uu hoggaamiyo Danjire Bashiir Xasan Xaaji.
Gaadiidka iyo ganacsiga
Xiriirka labada dal ayaa sidoo kale gaaraya dhinacyada dhaqaalaha iyo kaabeyaasha. Intii uu ku sugnaa Muscat bishii Abriil, Cabdisalaan ayaa kulan kale la yeeshay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Macluumaadka Cumaan, Saciid bin Xamuud Al-Macwaali.
Wadahadalladaas ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga gaadiidka, isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, taageeridda horumarinta adeegyada dijitaalka ah ee Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha. Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay rabitaankooda ku aaddan ka qaybgelinta ganacsatada iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha farsamada.
Waxaa kulamadaas ka horreeyay wafdi uu Al-Macwaali hoggaaminayay oo Muqdisho booqday 24-kii Febraayo 2025. Wafdiga waxaa ku jiray masuuliyiin ka socday hay’adaha Cumaan ee ganacsiga, beeraha, kalluumeysiga, maalgashiga iyo garoomada diyaaradaha, kuwaas oo dhinaca Soomaaliya kala hadlay fursadaha iskaashiga.
Dhinaca isku socodka, shirkadda diyaaradaha Cumaan ee SalamAir ayaa 3-dii Sebtembar 2026 billowday duulimaadyo toos ah oo isku xiraya Muscat iyo Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhawaaqday inay shaqeynayaan laba jeer toddobaadkii.
Shirkaddu waxay sheegtay in waddadan cusub ay fududeyneyso safarrada ganacsiga iyo xiriirka shirkadaha labada dal, isla markaana rakaabka Muqdisho siinayso fursado ay Muscat uga sii gudbaan meelo kale oo Bariga Dhexe iyo Aasiya ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Cumaan ayaa dib u furtay safaaraddeeda magaalada Muqdisho 36 sano kadib, sida ay werisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli labada dal ay kordhinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Qodobada muhiimka ah
- Cumaan ayaa dib u furtay safaaraddeeda magaalada Muqdisho 36 sano kadib.
- Dib u furista safaaradda ayaa muujineysa kalsoonida xooggan ee dowladda Cumaan ay ku qabto Soomaaliya.
- Labada dal ay kordhinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada gaadiidka, isgaarsiinta iyo ganacsiga.
- Dib u furista safaaradda ayaa daba socota xiriirro heer wasiir ah oo labada dhinac ay yeesheen sanadkan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid Cumaan oo ku saabsan muhiimadda dib u furista safaaradda.
- Eedeymaha ku saabsan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan faa'iidooyinka gaarka ah ee la filayo in ay ka soo baxaan dib u furista safaaradda.
Gunaanadka akhristaha
Dib u furista safaaradda Cumaan ee Muqdisho waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin qorshayaasha gaarka ah ee ka dhalan doona dib u furista safaaradda?
- Sidee ayey tani u saameyn doontaa xiriirka u dhexeeya Cumaan iyo Soomaaliya mustaqbalka fog?
- Ma jiraan mashaariic ama heshiisyo la qorsheynayo oo ka dhalan doona tallaabadan diblomaasiyadeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · muqdisho · cumaan · dib