Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan oo RSF ku Eedeysay Dilka 27 Qof oo Rayid Ah

Khartuum, Suudaan – Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku eedeysay Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) inay dileen ugu yaraan 27 qof oo rayid ah kadib weerar hubeysan oo lagu qaaday tuulooyin hoostaga deegaanka Al-Murra ee galbeedka magaalada Bara, gobolka Waqooyiga Kordofan. Sida ay sheegtay shabakadda, weerarka ayaa dhacay maalintii Khamiista, oo ku beegnayd maalintii labaad [&#8230

SO
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan oo RSF ku Eedeysay Dilka 27 Qof oo Rayid Ah
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Khartuum, Suudaan – Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku eedeysay Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) inay dileen ugu yaraan 27 qof oo rayid ah kadib weerar hubeysan oo lagu qaaday tuulooyin hoostaga deegaanka Al-Murra ee galbeedka magaalada Bara, gobolka Waqooyiga Kordofan.

Sida ay sheegtay shabakadda, weerarka ayaa dhacay maalintii Khamiista, oo ku beegnayd maalintii labaad ee munaasabadda Ciidul Adxaa. Dadka la dilay ayaa isugu jiray rayid iyo dad waayeel ah oo ku sugnaa deegaannada la weeraray, iyadoo aan la sheegin inay halkaasi ka jireen dagaallo ama joogitaan ciidan xilliga uu weerarku dhacay.

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo heshiisyada caalamiga ah ee lagu ilaaliyo dadka rayidka ah xilliyada colaadaha hubeysan.

Waxay sidoo kale ka digtay in weerarrada noocan oo kale ah ay sii kordhin karaan dhibaatada bini’aadantinimo ee dalka ka jirta, isla markaana ay sababi karaan barakac horleh oo ku yimaada shacabka deegaanka. Shabakaddu waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo weerarrada ka dhanka ah shacabka rayidka ah.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldhakhaatiirtaeedeysayrsf
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.