Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirweynaha caalamiga ah ee tamarta qorraxda ee Hindiya
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiSoomaaliya ayaa ka qeyb gashay shirweynaha Guud ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Tamarta Qorraxda (ISA) oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Shirweynahan oo ay ka qeybgaleen madax, wasiirro, mas’uuliyiin dowladeed iyo wakiillo ka kala socday in ka badan 130 waddan, waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, kaas oo khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta tamarta nadiifta ah, ilaalinta deegaanka iyo ballaarinta helitaanka tamar waarta.
- Modi ayaa sheegay in loo baahan yahay in tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta iyo khibradda farsamo si caddaalad ah loo gaarsiiyo waddamada kala duwan, gaar ahaan dalalka Afrika oo wajahaya baahiyo la xiriira helitaanka tamar la isku halleyn karo.
- Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa sidoo kale soo bandhigay hindise ku saabsan Sanduuqa Tamarta Qorraxda ee Afrika, kaas oo lagu qoondeeyay lacag dhan 200 milyan oo doollar, si loogu dhiirrigeliyo mashaariicda tamarta qorraxda iyo ballaarinta adeegyada tamarta nadiifta ah ee dalalka Afrika.
- Dhanka kale, Narendra Modi ayaa soo bandhigay horumarka Hindiya ay ka sameysay waaxda tamarta, isagoo sheegay in awoodda koronto ee dalkaasi ka helo ilaha aan shidaalka ku dhisneyn ay gaartay 308 gigawatt, isla markaana ay hiigsanayaan in tiradaasi la gaarsiiyo 500 gigawatt marka la gaaro sannadka 2030.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin mashaariicda gaarka ah ee Soomaaliya ka fulin doonto shirweynahan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta tamarta nadiifta ah.
- Modi ayaa soo bandhigay hindise ku saabsan Sanduuqa Tamarta Qorraxda ee Afrika, kaas oo lagu qoondeeyay lacag dhan 200 milyan oo doollar.
- Ka-qeybgalka Soomaaliya ee shirweynahan ayaa la xiriira dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
New Delhi, Hindiya – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Faarax, oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Guud ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Tamarta Qorraxda (ISA), kaas oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.
Shirweynahan oo ay ka qeybgaleen madax, wasiirro, mas’uuliyiin dowladeed iyo wakiillo ka kala socday in ka badan 130 waddan, waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, kaas oo khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta tamarta nadiifta ah, ilaalinta deegaanka iyo ballaarinta helitaanka tamar waarta.
Modi ayaa sheegay in loo baahan yahay in tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta iyo khibradda farsamo si caddaalad ah loo gaarsiiyo waddamada kala duwan, gaar ahaan dalalka Afrika oo wajahaya baahiyo la xiriira helitaanka tamar la isku halleyn karo.
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa sidoo kale soo bandhigay hindise ku saabsan Sanduuqa Tamarta Qorraxda ee Afrika, kaas oo lagu qoondeeyay lacag dhan 200 milyan oo doollar, si loogu dhiirrigeliyo mashaariicda tamarta qorraxda iyo ballaarinta adeegyada tamarta nadiifta ah ee dalalka Afrika.
Dhanka kale, Narendra Modi ayaa soo bandhigay horumarka Hindiya ay ka sameysay waaxda tamarta, isagoo sheegay in awoodda koronto ee dalkaasi ka helo ilaha aan shidaalka ku dhisneyn ay gaartay 308 gigawatt, isla markaana ay hiigsanayaan in tiradaasi la gaarsiiyo 500 gigawatt marka la gaaro sannadka 2030.
Waxa uu intaas ku daray in Hindiya ay filayso maalgashi ka badan 220 bilyan oo doollar oo ku wajahan waaxda tamarta nadiifta ah dhammaadka tobankan sano, isagoo tusaale u soo qaatay barnaamijyada PM Surya Ghar iyo PM-KUSUM oo dhiirrigeliya adeegsiga tamarta qorraxda ee guryaha iyo beeraha.
Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Hindiya iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha. Ka-qeybgalka Soomaaliya ee shirweynahan ayaa la xiriira dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta, soo jiidashada maalgashiga iyo ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda casriga ah ee tamarta la cusboonaysiin karo.
Soomaaliya ayaa fursad u leh inay ka faa’iideysato iskaashiga noocan ah, gaar ahaan horumarinta tamarta qorraxda, maadaama ballaarinta adeegyada korontada iyo helitaanka tamar la awoodi karo ay ka mid yihiin arrimaha muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shirweynaha Guud ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Tamarta Qorraxda (ISA) oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya. Shirweynahan wuxuu diiradda saaray iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta tamarta nadiifta ah.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shirweynaha Guud ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Tamarta Qorraxda (ISA) oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.
- Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta tamarta nadiifta ah.
- Modi ayaa soo bandhigay hindise ku saabsan Sanduuqa Tamarta Qorraxda ee Afrika, kaas oo lagu qoondeeyay lacag dhan 200 milyan oo doollar.
- Ka-qeybgalka Soomaaliya ee shirweynahan ayaa la xiriira dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ka qeybgalay shirweynahan.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda shirweynahan ee Soomaaliya ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Faahfaahinta ku saabsan natiijooyinka gaarka ah ee shirweynahan ee Soomaaliya lama bixinin.
Gunaanadka akhristaha
Ka-qeybgalka Soomaaliya ee shirweynahan wuxuu muujinayaa go'aankeeda ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee tamarta nadiifta ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin mashaariicda gaarka ah ee Soomaaliya ka fulin doonto shirweynahan?
- Sidee loo qaybin doonaa sanduuqa 200 milyan oo doollar ee loogu talagalay mashaariicda tamarta qorraxda ee Afrika?
- Maxay yihiin natiijooyinka la filayo in Soomaaliya ka hesho iskaashigan caalamiga ah?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qorraxda · hindiya · caalamiga