UK oo 12 sano ku xukuntay Maxamed Maxamuud kadib markii uu Somalia usoo aaday…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaxamed Maxamuud ayaa maxkamadda Old Bailey ee London ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah kadib markii uu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro Daacish.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Maxamed, oo ku dhashay Soomaaliya, shaqadiisana aheyd waardiye (security guard), ayaa bishii Janaayo 2025 u safray Bariga Afrika.
- Kaddib maxkamadeyn bishii Ogosto ka dhacday Maxkamadda Winchester Crown, ayaa Maxamed lagu helay dambiga ah inuu u diyaar-garoobay falal argagixisanimo.
- Garsooraha xukunka riday, Mr Justice Lickley, ayaa Isniintii Maxamed ku yiri: “Waxaad sameysay wax kasta oo aad awoodday si aad ugu biirto Daacish, waxaana kaa hor istaagay arrimo ka baxsan awooddaada.”
- Xagjirnimada internet-ka iyo “AI Bots” Xubnaha xeer-beegtida ayaa loo sheegay in Maxamed uu sannadkii 2024-kii xagjir ku noqday muuqaallo mayal-adag oo uu si joogto ah uga daawan jiray baraha bulshada ee YouTube iyo TikTok.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa cawaaqibka sharciga ee isku dayga in lagu biiro ururada argagixisada iyo caqabadaha ka dhasha dadaallada la-dagaallanka argagixisada.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay caddeymaha gaarka ah ee loo adeegsaday in lagu go'aamiyo niyadda Maxamed?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Maxamed Maxamuud, oo ah 22 jir asalkiisu Soomaali yahay, ayaa maxkamadda Old Bailey ee London ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah kadib markii uu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro Daacish.
- Maxamed wuxuu isku dayay inuu gaaro dagaalyahannada Daacish ee Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu ku guuldarreystay sababo la xiriira howlgallada la-dagaallanka argagixisada ee UK.
- Xogta laga helay taleefanka Maxamed ayaa muujisay inuu ku sugnaa meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Maarso 2025.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
London (Caasimada Online) — Maxkamadda Old Bailey ee magaalada London ayaa 12 sano oo xabsi ah ku xukuntay Maxamed Maxamuud oo ah 22 jir asalkiisu Soomaali yahay oo degganaa magaalada Bristol, kaddib markii lagu helay dambiga ah inuu u safray Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish (IS), isaga oo qorsheynayay inuu ku dhex dhinto dagaallada kooxdaas.
Maxamed, oo ku dhashay Soomaaliya, shaqadiisana aheyd waardiye (security guard), ayaa bishii Janaayo 2025 u safray Bariga Afrika. Hase yeeshee, wuxuu ku guuldarreystay inuu gaaro goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahannada kooxda sababo la xiriira howlgallada la-dagaallanka argagixisada ee UK, taasoo ku qasabtay inuu dalkaas dib ugu laabto laba bilood kaddib, gaar ahaan 3-dii bishii Maarso.
Kaddib maxkamadeyn bishii Ogosto ka dhacday Maxkamadda Winchester Crown, ayaa Maxamed lagu helay dambiga ah inuu u diyaar-garoobay falal argagixisanimo.
Garsooraha xukunka riday, Mr Justice Lickley, ayaa Isniintii Maxamed ku yiri: “Waxaad sameysay wax kasta oo aad awoodday si aad ugu biirto Daacish, waxaana kaa hor istaagay arrimo ka baxsan awooddaada.”
Xagjirnimada internet-ka iyo “AI Bots”
Xubnaha xeer-beegtida ayaa loo sheegay in Maxamed uu sannadkii 2024-kii xagjir ku noqday muuqaallo mayal-adag oo uu si joogto ah uga daawan jiray baraha bulshada ee YouTube iyo TikTok.
Maxamed, oo sannadkii 2017-kii u soo guuray UK si uu ugu biiro qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa, ayaa xiriir la yeeshay barnaamijyada ku shaqeeya sirdoonka macmalka ah (AI bots) oo ay Daacish u adeegsato kala shaandheynta dadka cusub ee doonaya inay kooxda ku biiraan.
Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu helay wada-sheekeysi dhanka Telegram-ka ah oo uu kaga codsaday in laga caawiyo sidii uu ugu safri lahaa Soomaaliya si uu ugu biiro “Mujaahidiinta”, isagoo fariin ku caddeeyay in himiladiisa koowaad ay tahay inuu “shahiido”.
Xeer-ilaaliye Naomi Parsons ayaa maxkamadda u sheegtay in markii uu Maxamed gaaray Soomaaliya uu awoodi waayay inuu gaaro dagaalyahannada maadaama colaaddu ay aad u xoogganayd.
Xogtii laga helay taleefanka Maxamed
Booliska la-dagaallanka argagixisada ee UK ayaa Maxamed xiray sannad kaddib markii uu dalka ku soo laabtay. Xogta laga helay taleefankiisa gacanta ayaa muujisay inuu ku sugnaa meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Maarso 2025.
Taleefanka ayaa sidoo kale laga helay muuqaallo borobogaando u ah kooxda Daacish oo muujinaya qoor-goyn, dilal toogasho iyo goobo dagaal, iyo farriimo uu diray markii uu dalka dib ugu soo laabtay oo uu ku sheegayay inuu weli doonayo inuu naftiisa u huro “jihaad”.
Waxaa intaas dheer inuu xiriir la lahaa dadkii dagaal-yahannada u qorayay kooxda, isagoo ku yiri: “Waqti kasta oo aad hadalka dhahdaan, waan soo laabanayaa.”
Maxkamadda ayaa sidoo kale loo sheegay in kooxda Daacish ay u soo bandhigtay inuu basaas ahaan ugu shaqeeyo, balse uu diiday isagoo ka baqay in xiriirka qoyskiisa Soomaaliyeed awgeed si fudud loo aqoonsan karo.
Difaaca qareenka iyo go’aanka garsooraha
Garsoore Justice Lickley ayaa xusay in aysan caddayn howshii loo xilsaari lahaa haddii uu aagga dagaalka gaari lahaa, isagoo ku raacay xeer-ilaalinta in aagga colaadda ee Soomaaliya uu ahaa “aag dil”, qof kasta oo cusubna uu filan karay fursad sare oo dhimasho ah.
Dhanka difaaca, qareen Dominic Thomas ayaa sheegay in inkasta oo Maxamed uu sameeyay hadallo nacasnimo ah oo aan wanaagsanayn tan iyo markii uu UK ku laabtay, haddana uusan wax isku day ah u sameynin inuu dib ugu laabto Soomaaliya.
Qareenka ayaa xusay in Maxamed uu u tagay halkaas inuu dagaallamo oo uu dhinto, balse xilligaas ay Daacish maalin kasta luminaysay saldhigyo iyo dhulal badan, uuna hadda dib ka garwaaqsaday khaladkii ku jiray qorshihiisa, gaar ahaan maadaama qoyskiisu ay guud ahaan ka soo horjeedaan kooxdaas.
Maxamed Maxamuud, oo ku labisnaa dhar nooca tababarka ah oo buluug ah (blue tracksuit) isla markaana aan wax shucuur ah muujin intii dacwaddiisu socotay, ayaa garsooruhu ku adkeeyay in ilaa iyo inta uu ka beddelayo “caqiidadiisa xagjirka ah” uu weli halis weyn ku yahay bulshada, waxaana lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maxamed Maxamuud ayaa maxkamadda Old Bailey ee London ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah kadib markii uu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro Daacish. Waxaa lagu helay dambiga ah inuu u diyaar-garoobay falal argagixisanimo.
Qodobada muhiimka ah
- Maxamed Maxamuud, oo ah 22 jir asalkiisu Soomaali yahay, ayaa maxkamadda Old Bailey ee London ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah kadib markii uu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro Daacish.
- Maxamed wuxuu isku dayay inuu gaaro dagaalyahannada Daacish ee Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu ku guuldarreystay sababo la xiriira howlgallada la-dagaallanka argagixisada ee UK.
- Xogta laga helay taleefanka Maxamed ayaa muujisay inuu ku sugnaa meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Maarso 2025.
- Maxkamadda ayaa loo sheegay in Maxamed uu muujiyay rabitaan ah inuu shahiido.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedaha la soo bandhigay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadallo ka yimid maxkamadda iyo eedeysanayaasha iyada oo aan jawaab ka helin difaac.
- Faahfaahinta ku saabsan ficilada iyo himilooyinka Maxamed waxay ku saleysan tahay caddeymo la soo bandhigay maxkamadda.
Gunaanadka akhristaha
Kiiska Maxamed Maxamuud wuxuu muujinayaa cawaaqibka culus ee sharciga ee dadka isku dayaya inay ku biiraan kooxaha argagixisada.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay caddeymaha gaarka ah ee loo adeegsaday in lagu go'aamiyo niyadda Maxamed?
- Ma jiraan baaritaanno socda oo la xiriira kiiska Maxamed?
- Waa maxay tallaabooyinka la qaadayo si looga hortago kiisaska la mid ah mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa cawaaqibka sharciga ee isku dayga in lagu biiro ururada argagixisada iyo caqabadaha ka dhasha dadaallada la-dagaallanka argagixisada. Waxay kor u qaadaysaa wacyiga ku saabsan xagjirnimada dadka iyada oo loo marayo baraha bulshada.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sano · maxamed · maxamuud