Wasiir Fiqi oo uga sii daray xiisadda, weerar culusna ku qaaday SHARIIF + Video
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiWasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, isagoo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu amni darro abuuro.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga caasimadda, sidaas darteedna aysan ka shaqeynayn qalqal-gelin amni.
- “Meeshaan (aagga guriga Shariif) waa meel bahalo galeen ah, 260 wiil oo hubeysan ayaa ka saarnay labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waana soo bandhigi doonnaa.
- Isaga oo ka hadlayay isku-dayga weerar ee lagu eedeeyay dowladda ayuu wasiirku sheegay in dowladda ay Shariif hore ugu galbisay gaadiidkeeda, isla markaana ay fursad u heli lahayd inay waxyeello gaarsiiso haddii ay taasi damacsanayd.
- “Ninkaas Mirinaayo ayuu galay, dowladda oo baabuurteeda ku waddaa ayaa gurigiisa keentay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto si loo hubiyo amniga Muqdisho?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasiir Fiqi ayaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu amni darro ka abuuro Muqdisho.
- Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga caasimadda.
- Fiqi ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan lagu ururiyey aagga guriga Shariif.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga caasimadda, sidaas darteedna aysan ka shaqeynayn qalqal-gelin amni. Wuxuu taa beddelkeeda ku eedeeyay mucaaradka inay doonayaan inay Muqdisho ka abuuraan xaalad amni darro.
“Meeshaan (aagga guriga Shariif) waa meel bahalo galeen ah, 260 wiil oo hubeysan ayaa ka saarnay labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waana soo bandhigi doonnaa. Waxaa la rabay in lagu carqaladeeyo amniga,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Isaga oo ka hadlayay isku-dayga weerar ee lagu eedeeyay dowladda ayuu wasiirku sheegay in dowladda ay Shariif hore ugu galbisay gaadiidkeeda, isla markaana ay fursad u heli lahayd inay waxyeello gaarsiiso haddii ay taasi damacsanayd.
“Ninkaas Mirinaayo ayuu galay, dowladda oo baabuurteeda ku waddaa ayaa gurigiisa keentay. Hadday dili lahayd, fursad ayay haysatay, gacanteeduna ku jiray. Meeshaas waa bahalo galeen, maleeshiyaad hubeysan oo daandaansi wada ayaa lagu ururiyey,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Fiqi ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay fulinayaan ajende Imaaraadku leeyahay, isla markaana ay diyaariyeen maleeshiyaad uu sheegay inay daandaansi ku hayaan ciidamada dowladda, si ay halkaas uga qarxaan dagaallo u dhexeeya labada dhinac.
“Meesha ma nin siyaasi ah ayaa deggan mise hoggaamiye kooxeed ayaa deggan? Waxaa ayaan-darro ah in isagu wuxuu rabo uu marmarsiyo ka dhigto, kuwo tiro badanina ay la soo istaagaan marqaati been ah, ayna meel la soo istaagaan in dowladda daandaansi ku hayso mucaaradka,” ayuu yiri wasiirka oo u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ee xalay qabtay shirka jaraa’id.
Fiqi ayaa hadalkiisa sii raaciyay in dowladda iyo mucaaradku aysan isku mid ahayn marka laga hadlayo mas’uuliyadda amniga, sidaas darteedna aan caasimadda lagu ururin karin maleeshiyaad hubeysan.
Ugu dambeyntiina, wasiirka ayaa caddeeyay in dowladda aysan indhaha ka qabsan doonin waxa uu ku tilmaamay abaabul ciidan oo ka socda caasimadda, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonto khatar kasta oo amniga Muqdisho wax u dhimaysa, isagoo ku adkeystay in dowladda ay ka hortageyso in maleeshiyaad hubeysan lagu abuuro caasimadda.
Hoos ka daawo muuqaalka
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, isagoo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu amni darro abuuro.
Qodobada muhiimka ah
- Wasiir Fiqi ayaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu amni darro ka abuuro Muqdisho.
- Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga caasimadda.
- Fiqi ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan lagu ururiyey aagga guriga Shariif.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Fiqi uu mucaaradka ku eedeeyay inay raacayaan ajende Imaaraadku leeyahay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha mucaaradka ama Shariif Sheekh Axmed.
- Eedeymaha Wasiir Fiqi ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo caddeyn ku saabsan eedeymaha mucaaradka.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada Wasiir Fiqi waxay muujinayaan xiisadaha siyaasadeed iyo walaacyada amniga ee Muqdisho.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto si loo hubiyo amniga Muqdisho?
- Sidee ayey dowladda u wajahaysaa ururinta maleeshiyaadka hubeysan?
- Maxay tahay jawaabta mucaaradka ee ku aaddan eedeymahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shariif · weerar · xiisadda