Xamza iyo wafdiga Pakistan oo qodobo muhiim ah ka wada-hadlay + Sawirro
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Pakistan oo uu hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz.
- Kulanka ayaa diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.
- Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Wafdiga Pakistan ayaa booqasho ku jooga magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigu uu diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kobcinta awooddiisa iyo horumarinta tababarka iyo tayada ciidanka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu dhisayo awood difaac oo cirka ah.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey wafdiga Dowladda Pakistan booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, isaga oo sheegay in booqashadu ay muhiim u tahay sii xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga shaqaynayso dhismaha, tababarka, tayaynta iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliyeed, xilli uu dalku ku jiro dadaallo dib loogu soo celinayo awoodda iyo tayada ciidamada.
Waxa uu tilmaamay in ciidamada Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaadanayaan howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo xoojinta awoodda ciidamada ay qeyb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo taageerada dhinaca difaaca, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo guud ahaan tayaynta hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Pakistan oo uu hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Pakistan oo uu hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz.
- Kulanka ayaa diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.
- Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Eedeymaha ayaa si weyn ugu tiirsan hadallada lagu sheegay kulanka iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan natiijooyinka wadahadalada lama bixinin.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka wuxuu muujinayaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo awoodda difaaca Soomaaliya iyada oo loo marayo iskaashi caalami ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin heshiisyada ama tallaabooyinka gaarka ah ee lagu go'aamiyay kulanka?
- Sidee loo hirgelin doonaa iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan?
- Maxay yihiin awoodaha hadda ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · pakistan · wafdiga · xamza
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada