Xasan Sheekh oo kasoo laabtay Itoobiya, una safraya dal kale
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo laabtay Soomaaliya kadib booqasho hal maalin ah oo uu ku tegay Addis Ababa, Itoobiya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Madaxweynaha oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde loo galbiyay xafiiskiisa, halkaas oo uu kasii watay howlihiisa shaqo iyo waajibaadkiisa dastuuriga ah.
- Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugnaa Addis Ababa kulan muhiim ah lasoo yeeshay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dal.
- Sidoo kale waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga dalalka gobolka, iyagoo is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha saameynta ku leh nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
- Dhanka kale, ilo-wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynuhu u baxayo safar kale oo la filayo inuu Jimcaha ku tago magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayaa shir afar geesood ah uu la yeelanayo madaxda dalalka Masar, Suudaan iyo Eritrea.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee lagu gaaray kulanka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Inta uu ku sugnaa Addis Ababa, Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.
- Madaxweynuhu u baxayo safar kale oo la filayo inuu Jimcaha ku tago magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayaa shir afar geesood ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa isla galabta dib ugu soo laabtay dalka.
Madaxweynaha oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde loo galbiyay xafiiskiisa, halkaas oo uu kasii watay howlihiisa shaqo iyo waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugnaa Addis Ababa kulan muhiim ah lasoo yeeshay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dal.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga dalalka gobolka, iyagoo is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha saameynta ku leh nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Dhanka kale, ilo-wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynuhu u baxayo safar kale oo la filayo inuu Jimcaha ku tago magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayaa shir afar geesood ah uu la yeelanayo madaxda dalalka Masar, Suudaan iyo Eritrea.
Lama oga ajendaha shirkaasi, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo isbeddelaya, iyadoo ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu wajahayo xaaladaha ka taagan gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale cagta sii mari doona dalka Jabuuti, halkaas oo la filayo inuu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ka talagelinaya qorshihiisa, ka hor shirka afar geesoodka ah ee ka dhacaya magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.
Safarradan uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tegayo dalalka deriska iyo kuwa gobolka ayaa kusoo aadaya xilli ay dalka ka jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo xiisado gudaha ah, iyadoo haatan xaalado cakiran ay ka taagan yihiin magaalooyinka Baydhaba iyo Beledweyne ee xarumaha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo laabtay Soomaaliya kadib booqasho hal maalin ah oo uu ku tegay Addis Ababa, Itoobiya. Waxa uu sidoo kale la filayaa inuu safar ku tago Qaahira, Masar si uu uga qayb galo shir afar geesood ah oo ay la yeelanayaan madaxda Masar, Suudaan, iyo Eritrea.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo laabtay Soomaaliya kadib booqasho hal maalin ah oo uu ku tegay Addis Ababa, Itoobiya.
- Inta uu ku sugnaa Addis Ababa, Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.
- Madaxweynuhu u baxayo safar kale oo la filayo inuu Jimcaha ku tago magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayaa shir afar geesood ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada ku lugta leh wadahadalada.
- Eedeymaha ku saabsan safarka soo socda ee Qaahira waxay ku saleysan yihiin ilo aan la magacaabin.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan wadahadalada ama heshiisyada la sameeyay inta lagu guda jiray kulamada.
Gunaanadka akhristaha
Maqaalku wuxuu muujinayaa hawlaha diblumaasiyadeed ee Madaxweynaha Xasan Sheekh ee gobolka iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo socda Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee lagu gaaray kulanka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed?
- Waa maxay ajendaha shirka soo socda ee Qaahira?
- Sidee bay xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya u saameyn doonaan dadaalladan diblumaasiyadeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sheekh · itoobiya · kasoo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada