Xasan Sheekh oo kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti+ Sawirro
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Jabuuti si uu kulan ula yeesho Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaliya iyo Jabuuti, iyaga oo si gaar ah u dul istaagay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
- Sidoo kale, booqashadan ayaa qayb ka ah safarrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo danaha dalkeenna iyo xasilloonida gobolka.
- Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqday magaalada Addis Ababa ee caasimada ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dal.
- Sidoo kale waxaa kulankaas lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga dalalka gobolka, iyagoo is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha saameynta ku leh nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin heshiisyada gaarka ah ee la gaaray intii lagu jiray kulanka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
- Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Jabuuti ayaa qayb ka ah safarrada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Jabuuti (Caasimada Online) -Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaliya iyo Jabuuti, iyaga oo si gaar ah u dul istaagay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
Sidoo kale, booqashadan ayaa qayb ka ah safarrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo danaha dalkeenna iyo xasilloonida gobolka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqday magaalada Addis Ababa ee caasimada ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dal.
Sidoo kale waxaa kulankaas lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga dalalka gobolka, iyagoo is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha saameynta ku leh nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Jabuuti kadib tegi doona magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, isagoo kulamo kala duwan kula yeelan doono madaxda dalkaasi, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo Masar lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirar heer sare ah oo Afrikaan ah oo ka dhacaya magaalada New Alamein ee dalkaasi.
Xiriirka Muqdisho iyo Qaahira ayaa si weyn u xoogeysanayay sanadihii dambe, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo sidoo kale labada dal ay sare u qaadeen iskaashiga militariga, waxaana saraakiil sare oo Masri ah ay dhowaan Muqdisho kula kulmeen madaxda Soomaaliya, kana wada hadleen tababarrada, dhismaha awoodda ciidamada iyo taageerada Xoogga Dalka.
Safarrada Xasan Sheekh ee Itoobiya, Jabuuti iyo Masar waxay kusoo aadayaan xilli gobolka uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, oo ay ka mid yihiin dagaallada dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, colaadda Sudan iyo xiisadaha ka taagan Badda Cas.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Jabuuti si uu kulan ula yeesho Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
- Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Jabuuti ayaa qayb ka ah safarrada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah.
- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Jabuuti kadib tegi doona magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, isagoo kulamo kala duwan kula yeelan doono madaxda dalkaasi.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada aan la xusin.
- Eedeymaha ku saabsan faahfaahinta wada hadallada ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka kulamada.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyo kala duwan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin heshiisyada gaarka ah ee la gaaray intii lagu jiray kulanka?
- Sidee loo hirgelin doonaa iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha?
- Maxay yihiin saameynta booqashadan ku yeelan doonto xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka deriska ah?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · miro · dhal · sheekh
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada