Xasan Sheekh oo meesha ka saaray walaaca mucaaradka, caddeeyayna in aan…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay hadal-haynta la xiriirta in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isaga oo carrabka ku adkeeyay in albaabka wada-xaajoodku mar walba u furan yahay dhinacyada ay kala aragti duwanaanshuhu ka dhexeeyo.
- “Cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socota ma jirto, siyaasad qori caaraddiisa lagu fulinayo ma jirto, qof iyo guri la weerarayo ma jirto, waxaana caddayn u ah ma jiro qof siyaasi ah oo xabsi ku jira,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
- Madaxweynaha ayaa sheegay inaan loo baahnayn in loollanka siyaasadeed loo beddelo iska horimaad, maadaama ay jiraan waddooyin kale oo lagu xallin karo khilaafaadka.
- Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in tartanka ku saabsan mustaqbalka dalka iyo hoggaamintiisa uu u furan yahay qof kasta oo aaminsan inuu awood u leeyahay inuu ka qayb qaato siyaasadda Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay hadal-haynta gaarka ah ee keentay hadallada Madaxweynaha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay hadal-haynta la xiriirta in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka.
- Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal.
- Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in albaabka wada-xaajoodku mar walba u furan yahay dhinacyada ay kala aragti duwanaanshuhu ka dhexeeyo.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay hadal-haynta la xiriirta in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay inaysan jirin cid ay doonayaan inay dagaal ku qaadaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isaga oo carrabka ku adkeeyay in albaabka wada-xaajoodku mar walba u furan yahay dhinacyada ay kala aragti duwanaanshuhu ka dhexeeyo.
“Cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socota ma jirto, siyaasad qori caaraddiisa lagu fulinayo ma jirto, qof iyo guri la weerarayo ma jirto, waxaana caddayn u ah ma jiro qof siyaasi ah oo xabsi ku jira,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaan loo baahnayn in loollanka siyaasadeed loo beddelo iska horimaad, maadaama ay jiraan waddooyin kale oo lagu xallin karo khilaafaadka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in tartanka ku saabsan mustaqbalka dalka iyo hoggaamintiisa uu u furan yahay qof kasta oo aaminsan inuu awood u leeyahay inuu ka qayb qaato siyaasadda Soomaaliya.
Waxa kale uu xaqiijiyay in dowladdu diyaar u tahay inay dhageysato siyaasiyiinta iyo dhinacyada qaba aragtiyo ka duwan kuwa dowladda, isaga oo muujiyay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed lagu wajihi karo is-faham iyo wada-hadal.
Ugu dambeyntiina, madaxweynaha ayaa ku celiyay in wada-hadalku yahay waddada lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed, isagoo meesha ka saaray eedeymaha sheegaya in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso inay awood ciidan u adeegsato mucaaradka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay hadal-haynta la xiriirta in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay hadal-haynta la xiriirta in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka.
- Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal.
- Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in albaabka wada-xaajoodku mar walba u furan yahay dhinacyada ay kala aragti duwanaanshuhu ka dhexeeyo.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdu diyaar u tahay inay dhageysato siyaasiyiinta iyo dhinacyada qaba aragtiyo ka duwan kuwa dowladda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha siyaasiyiinta mucaaradka ama dhinacyada kale.
- Eedeymaha waxay ku saleysan yihiin hadallada Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah laguma bixin sababta keentay hadal-haynta la sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Madaxweynaha ayaa adkeeyay in wada-hadalka uu ka muhiimsan yahay khilaafka si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay hadal-haynta gaarka ah ee keentay hadallada Madaxweynaha?
- Sidee ayay siyaasiyiinta mucaaradka uga jawaabayaan sheegashada Madaxweynaha?
- Maxay dowladdu qorsheyneysaa inay sameyso si loo fududeeyo wada-hadalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sheekh · xasan · mucaaradka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada