Xog: Golaha Mustaqbalka oo ku shiraya Nairobi, kadib tallaabadii Xasan
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiXubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay ku kulmaan Nairobi, Kenya, si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaXubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maalmaha socda ay isugu tegaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
- Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha kasoo kordhay doorashooyinka, maadaama uu Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu maalin kahor ku dhawaaqay jadwadalka doorashooyinka ee heer federaal, gaar ahaan doorashada labada Aqal iyo tan Madaxweynaha.
- Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnaha mucaaradka, iyo madaxda labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ay ka tashan doonaan tallaabada ay qaaday dowladda oo ay horay u qaadaceen dhinacyada, iyaga oo arrintaas ku tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo halis galineysa dalka.
- Qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee shirka ayaa ah in madaxdu ay si gaar ah uga tashan doonaan fulinta ajendayaal horay ugu diyaarsanaa iyo kuwa kale oo ku aadan in go’aan mid ah ay ka qaataan tallaabada dowladda Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Soomaaliya, gaar ahaan ku saabsan habka doorashada iyo tallaabooyinka dowladda.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Golaha Mustaqbalka ay soo jeedin doonaan si ay uga jawaabaan go'aannada dowladda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maalmaha socda ay isugu tegaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
- Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha kasoo kordhay doorashooyinka.
- Xubnaha mucaaradka, iyo madaxda labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ay ka tashan doonaan tallaabada ay qaaday dowladda oo ay horay u qaadaceen dhinacyada, iyaga oo arrintaas ku tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo halis galineysa dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maalmaha socda ay isugu tegaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan shir xasaasi ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo aad ugu dhow golaha.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha kasoo kordhay doorashooyinka, maadaama uu Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu maalin kahor ku dhawaaqay jadwadalka doorashooyinka ee heer federaal, gaar ahaan doorashada labada Aqal iyo tan Madaxweynaha.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnaha mucaaradka, iyo madaxda labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ay ka tashan doonaan tallaabada ay qaaday dowladda oo ay horay u qaadaceen dhinacyada, iyaga oo arrintaas ku tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo halis galineysa dalka.
Qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee shirka ayaa ah in madaxdu ay si gaar ah uga tashan doonaan fulinta ajendayaal horay ugu diyaarsanaa iyo kuwa kale oo ku aadan in go’aan mid ah ay ka qaataan tallaabada dowladda Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka.
Sidoo kale, waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan wakiilada beesha caalamka oo ay kala hadlayaan xaaladaha soo kordhay, si xal loogu helo khilaafka daba dheeraaday ee dalka.
Kooxaha mucaaradka ayaa horay u sheegay in dowladda aysan cidna kala tashan go’aannada ay qaadanayso, iyaga oo arrintaas ku tilmaamay mid aan horay uga dhicin xitaa dowladdii milatariga.
“Talada dhaxda lama dhigaayo kaliya aniga halay dhageysto qofna lama tashanaayo oo hadana loo sacbiyo waa wax cajiib ah xitaa Dowladii malatariga ma sameyn arinkaas,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sabtidii Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud uu Jimcihii lasoo dhaafay beeniyay hadal-haynta la xiriirta in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay inaysan jirin cid ay doonayaan inay dagaal ku qaadaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isaga oo carrabka ku adkeeyay in albaabka wada-xaajoodku mar walba u furan yahay dhinacyada ay kala aragti duwanaanshuhu ka dhexeeyo.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay ku kulmaan Nairobi, Kenya, si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.
Qodobada muhiimka ah
- Xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maalmaha socda ay isugu tegaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
- Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha kasoo kordhay doorashooyinka.
- Xubnaha mucaaradka, iyo madaxda labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ay ka tashan doonaan tallaabada ay qaaday dowladda oo ay horay u qaadaceen dhinacyada, iyaga oo arrintaas ku tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo halis galineysa dalka.
- Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sabtidii Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo aan la magacaabin oo ku saabsan macluumaadka ku saabsan shirka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo la bixiyay oo ku saabsan eedeymaha la xiriira tallaabooyinka dowladda.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda ee ku saabsan dhaleeceynta la soo jeediyay.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka Golaha Mustaqbalka ee Nairobi wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Golaha Mustaqbalka ay soo jeedin doonaan si ay uga jawaabaan go'aannada dowladda?
- Sidee ayey beesha caalamka uga falcelin doontaa wadahadalada ay qabtaan Golaha Mustaqbalka?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhalan kara eedeymaha mucaaradka ee ku saabsan tallaabooyinka hal dhinac ah ee dowladda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Soomaaliya, gaar ahaan ku saabsan habka doorashada iyo tallaabooyinka dowladda.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · golaha · mustaqbalka · nairobi
Sii akhri
- Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo Maanta Ka Dhacaysa
Goobjoog Somali
- Hogaamiye Aadan Madoobe oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug
Hiiraanweyn
- Golaha Shacabka oo Akhrinta Koowaad Marsiiyey Hindise-sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga ah
Shabelle Media