Xog: Ra’iisul wasaare Xamza oo ku wajahan Dhuusamareeb + Ujeedka
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay u ambabaxaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeyay Madaxweyne Axme Qoor Qoor iyo Villa Somalia. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay safarka Ra’iisul wasaaraha, iyadoo ujeedka uu

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay u ambabaxaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeyay Madaxweyne Axme Qoor Qoor iyo Villa Somalia.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay safarka Ra’iisul wasaaraha, iyadoo ujeedka uu yahay xal u raadinta xiisadda Galmudug.
Maalmahan Ra’iisul wasaaraha ayaa Muqdisho ka waday kulamo kala duwan oo xaaladda lagu dajinayo, isaga oo kaashanaya agaasimaha NISA Mahad Salaad.
Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal ku sugan deegaannada Galmudug.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan