Ciidanka Danab oo qabtay rag waday qaraxyo culus
Leego (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, gaar ahaan ururka 161-aad, ay ka sameeeyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Leego (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, gaar ahaan ururka 161-aad, ay ka sameeeyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa fashiliyey qorshe ay Khawaarijtu doonayeen in ay miinooyin ku aasaan waddooyinka ay isticmaalaan shacabka gaar ahaan jidadka isku xira gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in sidoo kale ciidamada ay nolosha ku qabteen qaar kamid ah raggii qaraxyada ku aasayay halkaasi, kuwaas oo haatan baaritaano ay ku socdaan.
“Intii uu socday howlgalka, Ciidanka Danab ayaa sidoo kale qabtay xubno ka tirsan shabakad ku howlanayd abaabulka iyo diyaarinta qaraxyada, kuwaas oo qorsheynayey in ay waxyeello u geystaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka isticmaala waddooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale weli sii wada howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna burburinayo shabakadaha kooxda Al-Shabaab ee khatarta ku haya shacabka.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya, welina kasii socda gobolka Shabeellaha Hoose.
Gobolkan waxaa weli ku xoogan Al-Shabaab oo weeraro culus kasoo abaabula halkaasi, kuwaas inta badan ay ku beegsadaan xarumaha ciidamada.
The post Ciidanka Danab oo qabtay rag waday qaraxyo culus appeared first on Caasimada Online .
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · security · security · danab · culus
Keep reading
Live story thread
Open live story