Reading language
You are reading the English translation.
Details About President Hassan Sheikh's Visit to Kenya
NAROK, Kenya – The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, made an unannounced visit to Kenya yesterday, where he held an important face-to-face meeting with his counterpart, President William Ruto, in the city of Narok in southwestern Kenya. According to the Somali Presidency, the two presidents discussed in depth […]

Original report with a saved translation · Soomaali
Soomaali · Machine translated · Not human reviewed
Translation
Reader translation: English
The reader translation is shown in the same reading format for easier comparison.
NAROK, Kenya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Kenya maalintii shalay, isagoo magaalada Narok ee koonfurta galbeed Kenya kulan muhiim ah oo fool-ka-fool ah kula qaatay dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne William Ruto.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, labada madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta dhow ee Soomaaliya iyo Kenya, si loo xaqiijiyo ilaalinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Gobolka Geeska Afrika.
Kulankan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne William Ruto uu dhowaan ka soo laabtay shirkii G7, ee ka dhacay dalka Faransiiska, kaasoo ajandiyaasha ay kamid ahaayeen arrimaha Geeska Afrika.
Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in saddex ka mid ah madaxda dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ay xoogga saarayaan in la helo heshiis siyaasadeed oo dhab ah, si looga baaqsado dib-u-dhac ku yimaada taageerada iyo caawinta ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya. Dalalkan ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ayaa walaac ka qaba dhaqaale la’aan baahsan oo soo wajahday howlgalka AUSSOM, xilli uu sii dhammaanayo qorshaha kala-guurka.
Walaacan ayaa xoogaystay ka dib markii uu dhowaan madaxweynaha Kenya ka dayriyay xaaladda Soomaaliya, isagoo xusay in uu dhammaaday muddo-xileedkii sharciga ah ee hay’addaha dowladda federaalka, islamarkaana hubanti la’aan ka jirto musaqbalka dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wajahayo culaysyo siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo qayb ka ahaa ajandayaasha waaweyn ee uu la meel dhigay madaxda iyo saraakiisha amniga ee dalka Kenya.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Stored translation available for this language
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.