Gaalkacyo: Puntland oo ka hadashay gaadiid iyo ciidan ay qabatay
Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa ka hadlay ciidan iyo gaadiid ay qabatay Puntland, kuwaas oo… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa ka hadlay ciidan iyo gaadiid ay qabatay Puntland, kuwaas oo ka soo tallaabay dhanka Galmudug.
Taliye Fardafuul ayaa sheegtay in ay saaka qabteen labo gaari oo waaweyn oo siday ciidan tababar loo waday oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in baabuurta ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda federaalka oo uu ka mid yahay madaxda tababarada gobollada dhexe, kaas oo uu magaciisa ku sheegtay Carab Maxamed Maxamuud iyo askar ilaalinaysay gaadiidka.
Wuxuu tilmaamay in gaadiidka iyo ciidanka ay soo jireen kantaroolka dhexe ee Puntland, islamarkaana lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo.
Ugu dambayn, taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug wuxuu xusay in baaris lagu sameyso ujeedada ay ciidanka iyo gaadiidka federaalka u soo galeen deegaannada Puntland.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · qabatay · ciidan · gaadiid
Keep reading
Live story thread
Open live story