Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed oo cambaareeyay dilal ka dhacay Sool iyo Hiiraan
Muqdisho – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay falal arxan darro ah oo ka dhacay gobollada Sool iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay dad rayid ah laguna burburiyay hanti. Guddiga ayaa sheegay in deegaanka Ari-Caddeeye ee Gobolka Sool lagu dilay ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay falal arxan darro ah oo ka dhacay gobollada Sool iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay dad rayid ah laguna burburiyay hanti.
Guddiga ayaa sheegay in deegaanka Ari-Caddeeye ee Gobolka Sool lagu dilay ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah, iyadoo si aan kala sooc lahayn loo beegsaday.
Sidoo kale, Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay ugu yaraan 10 qof, halka guryo ay lahaayeen dad rayid ahna la gubay, taasoo keentay khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh.
Guddigu wuxuu muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan beegsiga shacabka, burburinta hantida, iyo barakaca qoysaska, isagoo sheegay in ay ka dhalatay saameyn culus oo bini’aadantinimo.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.