Shirka Maalgalinta Horumarinta Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Sabti 19 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).
Shirka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ganacsato, maamuleyaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya, ayaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta horumarka waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Hiigsiga Qaranka ee 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya ku gaari karto dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, taas oo u baahan maalgelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · horumarinta · soomaaliya · shirka
Keep reading
Live story thread
Open live story