Laftagareen oo la wareegay warfaafinta madaxtooyada Koonfur Galbeed
Maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen ayaa la wareegay warfaafinta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee hadda hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen ayaa la wareegay warfaafinta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee hadda hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Barta rasmiga ah ee madaxtooyada Koonfur Galbeed ku leedahay Facebook-ga ayaa la saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay qoraal uu Laftagareen kaga hadlay xuska 1-da Luulyo iyo hadal uu jeediyay afhayeenkiisa Ugaas Xasan oo kaga hadlay xaaladda maamulkaas.
Sidoo kale barta warfaafinta madaxtooyada Koonfur Galbeed waxaa laga tirtiray wixii lagu baahinayay tan markii uu meesha ka baxay maamulkii Laftagareen, kuwaas oo la xiriiray maamulka Aadan Madoobe iyo kii ka horreeyay ee kumeelgaarka.
Laftagareen waxa uu weli sheeganayaa in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ciidamo taageersan ay mararka qaar weeraro ku qaadaan magaalada Baydhabo.
PUNTLAND POST
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · wareegay · laftagareen · koonfur