Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Xariga ka Jaray Xaruunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo si heer sare ah loo dhisay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada Shacabka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso hirgelinta qorsheyaal

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada Shacabka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso hirgelinta qorsheyaal lagu xaqiijinayo in dalku ka maarmo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, iyadoo mudnaanta la siinayo kobcinta dhaqaalaha gudaha, horumarinta wax soo-saarka iyo dhismaha hay’ado qaran oo isku filnaansho horseeda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhulka danta guud, isaga oo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay dhowrista hantida qaranka iyo ka hortagga ku takrifalka dhulalka loogu talagalay adeegyada bulshada iyo horumarka mustaqbalka dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, taasi oo laf dhabar u noqon doonta qorshaha dowladda ee ilaalinta deegaanka iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.