Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaasi oo uu kusoo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida wajahayso iyo muhiimadda xoojinta iskaashiga caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadaha maanta jira, oo ay ka [&#

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaasi oo uu kusoo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida wajahayso iyo muhiimadda xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadaha maanta jira, oo ay ka mid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu, ay u baahan yihiin iskaashi iyo wadajir caalami ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageeradooda joogtada ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee mabaadii’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.