Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Itoobiya iyo Kulan uu La yeelan doona Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed
Addis Ababa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay. Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoob

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Addis Ababa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.
Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.
Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay gudaha Soomaaliya ka socdaan dooddo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka siyaasadda iyo muddo-xileedka hay’adaha dowladda. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada ayaa weli wada kulamo ay kaga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wax-ka-beddelladii dastuurka ee dhowaan la ansixiyay, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ay ka qabaan dhinacyada siyaasadda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.