Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka 1-da Luuliyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku asteysan xorriyaddii Gobolada Koonfureed ee dalka iyo midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha weyn u leh qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, is

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku asteysan xorriyaddii Gobolada Koonfureed ee dalka iyo midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha weyn u leh qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xusay in 1-da Luulyo ay tahay maalin ka tarjumeysa halgankii dheeraa ee ay halyeeyadii Soomaaliyeed u soo galeen xorriyadda iyo dowladnimada.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa si sharaf iyo maamuus leh u saaray Calanka Jamhuuriyadda, markii ay goor sheegtadu ku beegneyd 12:00 habeenimo, waqtigaasi oo ku beegan 66 sano ka hor isla xilligii Calankeenna la saaray caasimadda Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo tilmaamay in jiilasha maanta ay mas’uul ka yihiin sii ambaqaadidda himiladii aasaasayaashii qaranka Soomaaliyeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.