Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan, oo uu hoggaaminayey Taliyaha Difaaca Cirka ahna…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan, oo uu hoggaaminayey Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.
Kulanka ayaa looga hadlay sare u qaadista iyo dardargelinta dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Cirka, horumarinta tayada iyo tababarka ciidanka, iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo laguna dhisayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, loona xoojiyo awoodda difaaca cirka ee dalka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · wafdi · sare · ciidanka
Keep reading
Live story thread
Open live story