Maxaa looga hadlay kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhaxal-sugaha Kuwait ?
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan doceed kula yeeshay Dhaxal-sugaha Dowladda Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, iyadoo ay socdaan kulamada heerka sare ee Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan doceed kula yeeshay Dhaxal-sugaha Dowladda Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, iyadoo ay socdaan kulamada heerka sare ee Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta iyo ballaarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait, gaar ahaan dhinacyada muhiimka u ah horumarka iyo danaha labada shacab. Sidoo kale, labada dhinac ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda gobolka iyo isbeddellada amni ee ka jira Bariga Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda uu xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait u leeyahay labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo lana ballaariyo iskaashiga labada dhinac.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u tilmaamay muhiimadda iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo horumarka, kuwaas oo qeyb muhiim ah ka ah danaha labada dowladood.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dowladaha saaxiibka ah, iyadoo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay New York ka wadaan kulamo doceedyo ay la yeelanayaan madax iyo mas’uuliyiin ka qeybgalaya shirarka Qaramada Midoobay.
Dhanka kale, xaaladda amni ee Bariga Dhexe ayaa kamid ahayd qodobada lagu lafa-guray kulanka, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen isbeddellada gobolka iyo arrimaha amni ee saameynaya xasilloonida Bariga Dhexe.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · kuwait · sugaha · dhaxal
Keep reading
Live story thread
Open live story