Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay madaxweynaha Serbia iyo dhaxal-sugaha Kuwait?
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić iyo Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić iyo Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.
Kulamadan oo barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira xiriirka Soomaaliya iyo labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa danaha wadajirka ah ee labada dhinac.
Sidoo kale, kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay Dhaxal-sugaha Kuwait ayaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait iyo fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga labada dal.
Kulamadan ayaa sidoo kale waxaa looga wada-hadlay xaaladda gobolka, gaar ahaan arrimaha nabadda iyo amniga iyo isbeddellada ka socda Bariga Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga Soomaaliya iyo labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo horumarka.
Kulamadan ayaa qeyb ka ahaa kulamada diblomaasiyadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka wado magaalada New York, iyadoo uu halkaasi kaga qeyb-galayo shirarka iyo howlaha la xiriira Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · sheekh · serbia · sugaha
Keep reading
Live story thread
Open live story