Xasan Sheekh iyo Dhaxal-sugaha Kuwait oo ka wada hadlay xiriirka labada dal
NEW YORK — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Dhaxal-sugaha Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, kaas oo ka dhacay magaalada New York, iyadoo ay socdaan shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
NEW YORK — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Dhaxal-sugaha Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, kaas oo ka dhacay magaalada New York, iyadoo ay socdaan shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait, iyo arrimaha ay labada dal danaha wadaagga ah ka leeyihiin.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo isbeddellada amni ee ka jira Bariga Dhexe, iyadoo ay sii kordhayaan caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait uu muhiim u yahay labada dal iyo shacabkooda.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo lana ballaariyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo horumarka.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado New York, halkaas oo madaxda caalamka ay uga qeybgalayaan kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Labada dhinac ma aysan shaacin heshiis cusub oo ka soo baxay kulanka, balse waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · dhaxal · dal · sugaha
Keep reading
Live story thread
Open live story