Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dhinac
Muqdisho, 19 Sebteembar 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga (Credentials)…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 19 Sebteembar 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga (Credentials) Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Laszlo Mathe.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu guddoomay warqaddii looga yeeray Safiirkii hore ee Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada uu u muujiyo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiir Nadaara ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay diyaar u tahay inay Safiirka cusub kala shaqeyso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada nabadda iyo amniga, dowladnimada, ganacsiga iyo horumarinta.
Safiirka cusub ee Midowga Yurub, Laszlo Mathe, ayaa xilkan kala wareegaya safiirkii ka horreeyay, iyadoo labada dhinac ay doonayaan in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · soomaaliya · iskaashiga · dhinac
Keep reading
Live story thread
Open live story