Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Taliyaha NISA oo Caabudwaaq Ka Waday Kulamo Lagu Adkeynayo Nabadeynta iyo Amniga Galmudug
Caabudwaaq – Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas, madaxda Galmudug, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, ka fogaanshaha colaadaha dadka walaala

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Caabudwaaq – Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas, madaxda Galmudug, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, ka fogaanshaha colaadaha dadka walaalaha ah ee wada dega waqooyiga gobolka Galgaduud, iyo xoojinta wada shaqeynta ciidamada ammaanka.
Taliyaha ayaa si qoto dheer uga hadlay saamaynta ay colaadaha beeluhu ku leeyihiin guud ahaan Galmudug, doorka ay ku leeyihiin amni darrada, iyo sida ay u carqaladeeyaan isu socodka iyo isdhexgalka bulshada. Waxa uu si gaar ah odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta kala duwan ugu baaqay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu joojinayo colaadaha muddada dheer ragaadiyay deegaannada kala duwan ee Galmudug.
Gabagabadii, mas’uuliyiintii, odayaashii dhaqanka iyo qaybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka qaybgalay kulamada ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Hay’adda NISA doorkiisa ku aaddan nabadaynta, xasillinta iyo horumarinta guud ahaan Galmudug.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.